Qarax ay booliska Somalia 24 saac ka hor sii sheegeen oo caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho-(Berberanews)-Qarax gaadhi loo adeegsaday ayaa caawa fiidkii lagu bartilmaameedsaday dugsiga tababarka booliska ee Janaraal kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaas oo dhacay abaare 7:00pm fiidnimo.

Qaraxan ayaa kusoo aaday 24 saacadood ka dib markii taliska booliska Soomaaliya ay sheegeen in uu jiro gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku dhex maqan magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa shacabka ka codsaday inay feejignaadaan islamarkaana la shaqeeyaan laamaha amaanka.