Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhacay Balli-dhiig

0

Balli-dhiig (Berberanews) –hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii gaadhi bas ah ay shalay Miino kula kacday duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Sida uu baahiyey Telefiishanka HCTV oo soo xiganaya Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig.

Qaraxa Miinada oo dhacay Gelinkii dambe ee Shalay ayaa geystay khasaare laxaad leh oo isugu jira Mood iyo noolba.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in dadkii ku dhaawacmay Qaraxan Xaaladdooda Caafimaad lala Tacaalayo.

13kii bishan ayay ahayd markii Saddex qof oo isku qoys ah ay ku dhinteen miino kula qaraxday deegaanka la yidhaahdo Dharkayn-geeyo ee ku yaala gobolka Sool, kuwaas oo ahaa xoolo dhaqato.

Berberanews.com, info@berberanews.com.