Qarax dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho(Berberanews)Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay sideed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xidhay walxaha qarxa isku qarxiyay makhaayad ku taala dibadda dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ama Iskool Buliisiya ee degmada Xamar Jajaab ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhacay duhurnimadii iyadoo makhaayada ay fadhiistaan dadka deegaanka iyo askarta booliska ee dagan xerada.
Dhinaca weerarkan isqarxinta ah waxa sheegtay ururka Al-Shabaab oo tilmaamay inay beegasadeen gudaha dugsiga tababarka booliska isla markaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin askar.