Qawda maqashii waxna ha u qaban.

0

FALCELIN: War-saxafadeedka wasaaradda waxbarashada ee Somaliland kuna aaaddanaa ardayda reer Somaliland ee MEKELLE wax ka barta.

Qawda maqashii waxna ha u qaban.

Ugu horayn anaga nama soo saarin cid Somaliland ah haba yaraatee, manay ogayn meel lanagu soo safriyay. Magaalada Samara ee canfarta markaannu soo gaadhnay ayay naga warheleen.

Safarkayaga oo ay nagu wehelinayeen dad dhammaa +420 qof una badnaa Maraykan iyo dad eeshiyaan ah, 38 kamid ahi soomaali ahaayeen, ilaa 20 kamid ahina ay Somaliland kasoo jeedeen. Waxa Mekelle naga soo qaaday UNICEF, ayagaa safar dhulka ah Samara nagu keenay, laba maalin kadibna diyarado nagaga qaaday Samara oo Addis Ababa na geeyay.
Marka aannu Samara joognay, arday safaaradda la xidhidhayay wuxu noo sheegay inay usoo direen 15000 birr ( $306) oo ay ugu talo gal. Cadadkaas iyo lacagkale oo inahaas ku dhawayd oo safaaradda somalia ay qolada somalia usoo dirtayba waxay ku bixiyeen jiifkayagii iyo cunto intii ay ka gaadhay. Ogow 20 qof ayay safaaraddu usoo dirtay $300.

Anaga waxay dooddayadu ahayd, maaddaama aannu marka horeba Ethiopia joognay, sharci aanu ku joogno haysano, haatanna goobtii dagaalada ka socdeen ka soo baxnay, waa inaannu raadsano halka waxbarashadayadii ka heli karno safaaradduna nagu garab gasho.
Qolada safaaraddana waxay ku adkaysanayeen, inay ka go’antahay inay wadankii na geeyaan agama maarmaanna ay tahay in aanu tagno. Ismari-waa dabadeed safiirku wuxu afkiisa ka yidhi ” adeero qoladiinna waxbarashada aadka u danaynasaa, dee barriba soo noqda oo horta bal imika wadankii taga. Wuxuu noola eegaa mashruuc igu sawir ah, oo dawladda iyo ummadda sumcad lagaga raadsanayo.

Isfaham la,aantaa kadib qolo naga mid ah oo isla maalmahaa soo baxday waxa madaarka hargeisa kusii sugay warbaahin iyo wasiiro, umaddana waxa la tusay sawirkii ahaa waanagaa soo bad baadinnay. Wasiirku waxbarashada waxa uu halkaa ka sheegay in jaamacado tiro badan oo waddanka ahi ay aqbaleen inay ardadaa waxbarashadooda inta ka dhiman usii dhammaystiraan, dibna aanay ugu laaban doonin Ethiopia ( Hoos ayaan ku sheegi doonaa takhasusaadka aanu wadnay ee dadka lagu leeyahay wadankaanu ugu dhamaystiri doonnaa)

Intayadii Addis Ababa ku hadhnay oo aan anuu ka mid ahaa, waxaa isla maalintiiba lanagu wargaliyay, maadaama aannu wadankii tagi waydeen, 3 cishona aad joogteen, wixii haatan ka dambeeya idinkaa isku qaba joogitaankiinna, waananu aqbalnay. Intaa kadib waxannu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulnay sidaasu waxbarashadayadii usii wadan lahayn, baddal ayaannu codsanay amma sii hayn. Wax waliba waxay nagaga xidhmeen in wasaaradda waxbarashada ee Ethiopia iyo xafiiska ERMP ay soo ogolaadaan codsigayaga, taasina waa shaqada ay safaaraddu qaban lahayd. Waxkasta oo aannu isku daynay waxa uu ka socon waayay garab la,aan iyo doorkii safaaradda Addis ababa iyo kii dawladeed oo meesha ka maqnaa. Kulamo is daba jooga ayaannu la yeelanay si aanu ugu qancino waxa aanu rabno sida uu u suuro galayo, iyo xattaa inay isku dayaan uun oo wasaaradaha ay khusayso la xidhiidhaan.

Ugu dambayn tii waannu soo niyadjabnay, waxaannanu goaan sannay inaanu wadanka iska nimaadno. Waxaannu la xidhiidhnay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland , wasiirku wuu maqnaa maalintaas. Agaasimaha waxa uu noo sheegay sidan “bal qolada safaaradda Addis Ababa ayaan la xidhiidhi oo odhan doonaa ardaydan maxad u haysaan” Ogow safaaraddu waa taannu isasoo marnaye. Qolo naga mid ahi waxay soo jeediyeen in Madaxwaynaha la kulanno lakiin isku dayo dhawra dabadeed waxba kama suuro galin

28 December waxa ay maamulka cusub ee cisbiitaalka ee jaamacaddu soo saareen in shaqada lagu soo laabto ugu dambayn 27 January. Macnaheeduna u dhiganyahay qofkii inta ka dib dhaca in loo arki doono qof ogolaansho la,aan ku maqan. Cawaaqib xumina ay ka dhalan karto. Waa markaa marka aanu goaansanay in aannu iska noqonno Mekelle , maadaama aan ceelna noo qodnayn cieina noo maqnayn.

Hadda waxa Mekelle ku sugan inta ogaalkayga ah waa 5 dhakhtar, inta kale oo aan anuu ku jiraana badan koodu waxay noqon doonaan inta ka horaysa wakhtiga lanoo qabtay.

Waakuwan takhasusaadka ay bartaan dadka mekelle ka yimid ee wasiirki rabo in wadanka loogu dhamays tiraan
1:Obstetrics and gynecology: xanuunada dumarka
2: Orthopedics : Qalliinka lafaha
3: General Surgery: Qalliinka guud
4: Radiology: Sawirada caafimaadka
5: Dermatology: Xanuunada maqaarka
6:ENT : Qalliinka dhagaha sanka iyo cunaha
7:Neurosurgery: Qalliinka maskaxda, xangullada iyo dareen wadayaasha.
8: Internal medicine:
9: Pediatrics: Xanuunnada carruurta.

Waxaa xusid mudan in takhasusaadka qaarkood xataa qof soomaali ah oo bartay aanu waddanka joogin, halka wasaaraddeenuna leedahay wadankaa lagu barayaa

Waan ka cudur daaranayaa inaanan ku darin kuliyadaha ay dhiganayeen ardayda master programs ka wadday.

Waxan kusoo gabagabaynayaa in wasaaradda tacliinta sare ee warsaxaafadeedka soo saartay iyo inta kale ee ay khusaysaaba in
1: waxa ay warbaahinta ka sheegeen ee ahaa waanu soo daadguraynay iyo waxbarashaanu wadanka ugu haynaa ay been ahaayeen
2: Wax qorshe ah oo ay noo hayaanna aanu jirin.
3: Ay ku qaldanyihiin in ay iska kaaya horkeenaan anaga iyo waalidiintayo.
4: Annagu annu soo dhawaynano haddii ay qorshe cad oo noo cuntami kara noola imaanayaan

NB: Waxaannu cadayn buuxda oo muuqaallo ku jiraan uhaynaa waxa aan soo sheegay oo dhan. Gadaal baana laga soo baahin doonaa haddii loo baahdo.

NB: Kuma calool samayn inaan dhacdooyin sidan ah ka warbixiyo, lakiin waan ka maaransanwaynay. Been abuuro lanagu sameeyay, waxii aanu xaq ugulahayn oo la dayacay, iyo in hadana waalid kayo la iska kaaya hor keeno caqabadna lagu noqdo inaanu shaqooyinkayagii iyo Mekelle oo na hurranaatay iskaga noqonno.

ALLAA MAHAD LEH.

WQ: Dr Aidrus Ali, neurosurgery resident, Mekelle University, Ethiopia