Qorshaha Madaxwayne Siilaanyo Iyo Caa’iladiisa Uga Meel-Yaala Suxufiyiinta Haatuf Ee Aargoosiga Ugu Xidhan!!!Qalinkii Naasir Aadan

0

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Marwadiisa Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil qorshaha uga meel yaala masuuliyiinta Haatuf ee u xidhan waxa weeyi in lagu xukumo xadhig-dheer oo ay jeelka ku baanisaan inta u dhaxaysa 3 ilaa 6 sanadood iyadoo ay ku xisaabtamayaan in sanadka u hadhay loogu daro laba sanadood oo mudo kordhin ah ama shan sanadood oo dib loo doorto.

Axmed Siilaanyo iyo caa’iladiisa ayaa waxay arrintaasi talo ku gaadheen ka dib markii masuuliyiinta Haatuf lagala quusta inay ogolaadaan in xayiraada laga qaado, dacwadana lagala noqdo iyaguna ay balan-qaadaan inaanay wax danbe ka qorin Baashe Cawil iyo arrimaha shidaal baadhistaba.

Labadan shardi ee lagu xidhay madaxda Haatuf ayaa waxay muujinayaan in wargeysku taabtay laba arrimood oo caa’ilada madaxwayne Siilaanyo ku noqday dhimbiil dab ah, iyadoo ay caa’iladu xasaasiyad dheeraad ah ka qabto qod-qodista heshiisyada shidaal baadhista oo ah meesha ugu musuqmaasuqa badan ee ay caa’ilada madaxwaynuhu wax ku qabsadaan iyo sidoo kale soo bandhigista awoodaha qarsoon ee wiilka madaxwaynuhu sodoga u yahay ku yeeshay dawladda isagoon meelna kaga qornayn xukuumadda.

Xasaasiyadaa (Sensitive) siyaasada ah ee ay caa’iladu u leedahay labadan arrimood, waxa u daliil ah go’aamadda khal-khalka ah ee ay sida is daba jooga ah kolba uga qaadanayaan arrinta Haatuf oo ay ku bilaabeen xayiraad aan wax sharci ku fadhiyin ee xataa hadii loo raaco xeerka habka ciqaabta (Criminal law) ee ay xukuumadu ku isticmaasho saxaafadda iyadoo ka cararaysa xeerka saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004 ee u gaarka ah saxaafadda ee madaniga ah, oo aanu ku jirin xeerkaa ciqaabta ah qodob xukuumadda u saamaxaya inay meherad xayirto.

Marka kaliya ee xeerka ciqaabtu ogolaanayo xayiraada waxa weeyi marka goob faldanbiyeed ka dhacay sida dil, kufsi ama meel la dhacay ay ciidanka Bilaysku si ku meel gaadh ah u xayiraan si farihii (Fingerprint) dadkii dambiga gaysta looga qaado goobtaa.

Xukunkii ay soo qadintay xukuumadu ee ay ku xayirtay xarunta Wargeyska iyo ciidamadii ay ku wareejisay haba ahaadaan xukumo khaldan, waxay  caa’ilada madaxwayne Siilaanyo hadana ku xigsiisay inay xayiraad kale saarto labada Website ee Haatuf iyo Somaliland Times iyo xayiraadii safarka ee Guddoomiyaha iyo Tafatiraha iyo hadana u yeedhis Maxkamadeed oo laga sii daayey warbaahinta oon loo marin nidaamkii iyo jaran-jarooyinkii garsoorka (Due Process of Law) oo markii ay eedaysanayaashii Haatuf maxkamadda u tageen inay is-difaacaan uu dhagaysigii u horeeyey intii aanu bilaabminba xoriyadoodii laga qaaday oo xabsiga sifo sharciga baalmarsan loogu taxaabay.

Dadka aan aqoonta fiican u lahayn Siilaanyo ee u haysta inuu yahay qof wayn oo mutacalim ah oon isku quudheen wax xun oo ceeb iyo tacadi ah ee dawladii dhamayd kula kacayso wargeys yar oo uu waliba mulkiiliyihiisu yahay nin ay halgan dheer soo wada mareen ayaa waxay ku doodaan in malaha ay jiraan dad kale oo masuul ka ah ficiladan fadeexada ah ee caynkaas oo kale.

Dadka sidaas u fikiriya waa kuwa damiirkoodu fayow-yahay oo iyagu ma khaldana inay dhinacaa wanaagsan ka eegaan nin lix sano ku dhawaad guddoomiye u ahaan jiray ururkii SNM haatana ah madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, laakiinse xaqiiqadu sidaas way ka duwan tahay oo Siilaanyo qof ahaan waa nin Cabban oon isku kalsoonayn oo waliba dhaliishana aad u neceb.

Siday dad badani moodayaan madaxwayne Siilaanyo maaha aqoonyahan (Intellectual) arragti gaar ah oo wax ku ool ah ka dhiibankara arrimaha iyo qadiyadaha waawayn ee ka jira dalkan, manddaqadan ama caalamkaba.

Ma jiro higsi iyo arragti fog oo Siilaanyo la yimid wakhtigii halgankii SNM-ta iyo xiligan oo madaxwaynaha yahayba oo la odhankaro waa loo aayey oo Siilaanyo ayaa figradaas lahaa oo uga tagay bulshadiisa oo ay ku liibaantay.

Marka la eego xiligi uu Axmed Siilaanyo ahaa agaasimaha guud ama wasiirka qorshaynta xukuumadii Rajiimkii Siyaad Barre waxa lagu xasuustaa inuu ahaa nin ku wanaagsan marka hawl loo diro oo lagu kormeero (Autocrat) balse sabool ka ah hal-abuurnimada.

Xaga Qiyamka iyo akhlaaqiyaadka (Moral Ethics and Values) marka laga eego, bal maxaa lagu sifaynkaraa madaxwayne ogolaanaya in dawladii dhamayd ee dalka, wasiiradii, xeer ilaalintii, garsoorkii iyo Bilayskiiba ay dhamaantood garyaqaan u noqdaan wiil yar oo uu soddog u yahay oo doonaya in wargeyska wax ka qoray loo xidho???.

Waxay yidhaahdeen Baashe Cawil waa muwaadin lagu khaldamay oo xaq u leh inuu dacwoodo. La iskuma hayo inuu muwaadin yahay xaqna u leeyahay inuu dacwoodo laakiinse lama maqal dawlad mawaadin kaliya u dacwoota oo xeer ilaalintii dalka looyar u dooda uga dhigta, halkii isagu iskii u dacwoon lahaa ama qareen  u qabsanlahaa, sida 3,999, 999 muwaadin ee reer Somaliland ee kale oo ay ku jiraan labada masuul ee Haatuf ee iyagu iskood Looyarada u qabsaday, inkastoo garsoorihii garta qaadayey uu iska hortaagay inay difaacaan labadii eedaysane ee soo wakiishay.

Siilaanyo waxa lu’gooyey inamo yaryar oo RRU la yidhaa oo aanay ragba is arag oo uu ku karbaasho cidkasta oo xukun xumadiisa wax ka sheegta, .

Wuxuu isku halaynayaa Ina Fadal iyo Maxamuud Ducaale oo goob dagaal ka socda aan waligood istaagin, balse si fiican u tabariya markay Baashe Cawil u fulinayaan shirqoolada fulay-nimada leh ee uu kula kaco warbaahinta madaxabanaan sida falalkii kala ahaa isku-dayga dil, weerarka, qabashada iyo xadhiga ee lagu fuliyey Hubaal iyo Haatuf.

Waxaase hubaal ah in Siilaanyo iyo caa’iladiisu ay dhibaatooyin culculus kala kulmi doonaan qaybta danbe ee qorshaha ay la maagan yihiin guddoomiyaha iyo tafatiraha Haatuf ee aargoosiga ugu xidhan wakhtigan.

Qalinkii Naasir Aadan