Qudbigii jacaylka Cilmi Boodhari, maqaamkii Batalaale, booqo mooyee umma baahna balaayo iyo baas kale.

0

“Waxa Caynba cayn looga dhigay waa ha is cajabiyeen” .

Waa murtidii qaaliga ahayd ee alla ha u naxariistee Cilmi Boodhari uu kaga hortagayey cunsuriyada iyo midab kala sooca iyo qabuuraha Maydh ku yaal ee kala dila dadka isjecel. Waxaa  Ilaahay abuurta Adamaha u kal duduwey, ha is nacaan ma ah, ee waa ha isku jecelaadaan oo ha is cajabiyaan.

Hamud Duale

Qudbiga  Jacaylka,  Cilmi Boodhari, taaladii  Marwo Xasna iyo maqaamkii Mudane Bursade,  Bataalaale, Berberi waa Beledkii iyo Bendarkii Jacayllka. Sidaas oo ay tahay haddana hunguri dhubuq ma ah.

 Colaad ma geydo.  Umma baahna kala guris qabiil, laaluush, xoolo baadil iyo xoog la isku muuquunsho. Ma geydo  qaabkaad  uga barateen maqaamyada shadaadiinta Somali kala diley ee Maydh ku yaal oo ay beel waliba  Qudbi ku leedahay.

 Waxaa la joogaa xilligii Awtaada  qabyaalada dhallinyaradu ka gudbi lahayd ee diinta fahmi lahayd,  ee masgaxdooda maali lahaayeen una gudbi lahaayeen  hadday wax kale waayaan,  murtidii Cilmi Boodhari ee ah “Waxa caynba cayn looga dhigay waa ha is cajabiyeen” oo macnaheedu yahay aadamuhu nabad mooyee nac  umma baahna.

Afeef:

“Akhristow ha u qaadan, markaad mawduuca aragto in aan ka sheekaynayo ‘Valantine day’ amma aan u xaglinayo ‘Jimca Barkhad lihii (good Friday) Aw Barkhadle. Amma aan minikii aw cusman, Markay Caddee, iyo Geedi baabawgii Buur xakaba,  cagta soo mariyey.  Ha u qaadinina  in aan leeyahay Alshabaab ayaa dhaanta qabuuraha ummadeenii kala diley,  Labadaa midkoodna  xagayga qiil ma leh, labaduba waa qasaaro hagoogan kalgacaylka iyo nabada ayay la col yihiin. Diinta Islaamka ujeeddooyinkooda iyo hab-dhaqankoodu ma waafaqsana. Waxaan jooga halkii boqorkii ina Xaggaa dheera ‘Waxaanu nahay duul culimo qastay’. 

 

Kadarsoo waxaa innagu soo kordhaba oo aynu noqonay ‘duul maalqabeen qasayo’  ha ogaadaan labada dhinacba in Buurta  iyo qoobada uu daaqayo qaalinka cadhoobey in aanay ahayn hunguri dhubuq.  Waa luqmatul xajar, ummadday ka dhaxaysaa, in la wadaago mooyee,  dhuun  nin  keliya marimayso.

 Kheyraadka qaranku  geeli la kala dhici jirey ee habeenba reer u hoyan jirey ma ah. Wuu ka sal balaadhan yahay, wareegtana ma gayo, aan waafaqsanayna sharciga, Axdi qarameedka iyo xeerarka ‘ Natural Resource’.

Xan baa jirta aan la hubin oo odhanaysa in Bangiga adduunku qadar lacag ah uu u ballan qaaday, maalqabeenka dawlada wareegto ka sita, buurahana ku guuleysta in uu keligii ooto. Taasina wax  sharciga loo dumiyo  oo loo garab maro ma ah, waa rido beri  ka maalin soo noqon doonta., iyo godob aan dhammaaneyn.

 Markaad eegto falalka  lagu kacayo iyo beelaha la isku gubayo ee hadba koox warbaahinta la soo tubayo sida geel dar loo horay,  waxaad is odhanaysaa malaha xantaasi waxbaa ka jira. Waa baadi-goobeynaa.”

Kheyraadka Saaxil  sibidh oo keliya ma ah, Berberi  waa beled  jacayl  waa maqaamkii Cilmi Boodhari , Bursade,  Marwo Xasna iyo qaar kale oo badan.

Bada Cas, Bataaxa, cadceeda iyo dayaxa  isku beegan  iyo Taariikhda suugaan Jacaylka ee  ku duugan,  hadday dawladda hoose ee Berberi  isku xilqaanto in ay Betalaale buulal  ka dhisto amma taanbuugyo,  hadday tahali  weydo daaro,  waa hubaal  in caalamku, caddaan iyo madaw dalxiis  u imman lahaayeen. Waaxaa ku yaala afarta la isla  waayey 12ka  bilood, isku soo wareega  sannadka, oo ah cadceed joogta ah, dayax joogta ah, xeeb degan, duufaan wax qaadiyo, dibindaabyo lagu arag  iyo   kalgacayl aan denbi kaa raacayn.  Waynaan dareemine dalkuba waa wada  sidaa, ee waxaa  inna dardarey Budhcad siyaasadeed booli quuta ah oo ka dab qaata Shadaadiinta Maydh yaala iyo maalqabeen beelaysan, oo  Siyaarada qabuuraha bixiya, cashuurtana diida. Afartaana xayeysiis  aan soo qadimey oo aan ugu talagalay ……… shirkada daad gurayn doonta dalxiisayaasha caalamka ee Bataalaale.

Dhallinyarada  qurbuhu,  Masgalgaar iyo Masar  umma boqoosheen haddii dadku isla garan lahaayeen nimcada afarta la isla waayey  ee dalku leeyahay .  Iyaga oo  asxaabtood caddaan iyo madawba hogaaminaya, ayay ku soo qulquli lahaayeen  Batalaale  haddii laga shaqeeyo oo loo diyaariyo.  Waa kheyraad gobolka Saaxil gaar u leeyahay oo aan ciddi la wadaagin.

Maydh waxaa ku duugan shadaadiinta beelaha  Somalida kala qaybisa, haweynka yasta, bulshada qaar takoorta ee laangaab iyo laandheere iskugu faanta, ee kala dila dadka isjecel.

Imisaa daraadood magacooda  geel lagu kala qaaday, imisaa dirirtii ku naf weydey, immisaa maamulo iyo dawlado ku dumey, Immisaa  daraadood isku eeday annaa kaa abroon iyo ma adigaa i gaadhi kara, immisaa doob xuquudiisii ku waayey hebelbaa dawlada innoogu jira, isaga oo adeegyadii asaasiga ahaa ka qaawan.

Inkasta oo uu  Herar, Mako iyo Madiino  Cilmi Diimeed laga soo waraabsho, wadaadka Somaliyeed wuxuu   ku danbeeyaa  shuyuukhda shadaadiinta Maydh ku duugan midkood in uu ku wardisto,  oo uu kiisu kala weynaado kuwa kala ee ku garab aasan.

Inkasta oo  uu ka sharaabo cilmi adduunyo Jaamicadaha Caalamka  Bari iyo Galbeedba, aqoonyahanka Somaliyeed wuxuu ka danbeeyaa  ‘duboo ina norasho’ iyo afkaartii Sula iyo Abbahay goblon. Wuxuu iska dabagalaa mid ka mid ah Shadaadiinta Maydh lagu siyaarto iyo shadaadiinta heer jilib,  gobol, degmo, magaalo  iyo tuulooyinka  lagu siyaarto ee ka dab qaata shadaadiinta waaweyn ee  laga soo taafiirmay. Wuxuu ka danbeeyaa,  in haddii uu  jilib waayo, in uu jees shiriyo.

Goormaa laga xoroobayaa Afkaartii boqolaal sano ka hor la adeegsan jirey?  Goormaa laga daalayaa Annaa kaa abroon, Qaraabo kiil, musuq iyo maasuq?

Boodhari, abwaankii Jacaylka Somalida ee barbaarta bogooda burcadka isku marin jirey, ee abaawaan weliba isaga ka daba xigte, bal maxaa lagula coloobey ee dhalliyaradu u soo booqan weydey, ee ay siyaaradiisa ugu midoobi waayeen, intay naca ku dhaadanayaan, ee ay garaadkoodii dabarka ugu xidhayaan?

Boodhari qabyaalada wuxuu ka doorbiday jacaylka. Markuu jacaylkii uu u qabey Hodan uu xad dhaafay, waxay beeshiisii isku dayday in ay qabyaalad iyo ilmaadeernimo ku daaweyso oo la muujiyo fal tolnimo. Waxaa hortiisa la soo tubay boqolaal hablood oo xul ah oo lagu yidhi waa kuwan ilmaadeeradaaya ka dooro taad u bogto. Cilmi Boodhari   heerkaa iyo qabqabyaalad wuu ka gudbeyey,  arrinkaa kaga jawaabey: “Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane, in aan aabahay idin qatalin qariya naaskiina”.

Mudane Bursade iyo Marwo Xasni waxay ahaayeen labadii la yidhi:  ‘Berbera waa Bursade iyo Xasna’. Laba samafalle ayay ahaayeen oo u roon miskiin iyo mudanaba  oo had iyo jeer gacan u fidiya baahanaha.

Xasni waxay ahayd gabadh somaliyeed oo ku barbaartay Sudan,  oo aabbaheed ka mid ahaa Ciidamada Ingriiska ee ku sugnaa dalkaa. Wuxuu aabbaheed  dhaqan celin u keenay  iyada iyo walaasheed, halkii uu ka yimi iyo Gebiley, sida dhallinyarada immika loogu geeyo  dhaqan celinta  dalkii hooyo,  ee loogu  gacan geliyo wadaad ku gana falaadho gubaya oo dab ku sola, isaga oo ku andacoonaaya in uu  jin  ka saarayo. Waxay dib ugu celiyaan halkay iyaguba ka soo qaxeen ee naftooda  ku aamini waayeen, oo ay weliba kaga dhex yimaadaan. Waa yaab,  maxaa carrurta lala coloobey!.  Waxaa laga fogeeyaa fursado badan oo halkay ku nool yihiin yaala. Waxay walidiintu ka tala qaataan culumada macaamiil raadiska ee jinka saarta iyo kuwa miciinka moodey qori caaradii ee raadinaya dhallinyari is qarxisa oo is miidaamisa.

Taasi waa arrin kale aan kuu dhammeeyo sheekada Xasna iyo walaasheed,  maalintaa laagu soo celiyey dalka,  ugumay duwaneyn in uu Aabaheed geri go’an cidla ah ka dhaqaaqay. Waana sobobta ku abuurtay in ay iyadu dadkii dhaqan celin ku samayso oo barto in la isku naxo oo la isku naxariisto oo aan la noqon abbaheed oo kale.

Berbera oo ahayd maqaalo ku fadhida ilbaxnimo qota dheer  oo ay degan yihiin jinsiyado iyo qoomiyada kala duwani ayay ka mubsuuda oo degtey. Halkaas oo ay  isdabirtey oo ka hirgalisey cayaarta qoob ka cayaarka amma raqas oo ay kala timid Sudan. Waa lagu soo dhaweeyey Berbera. Naxariistii ay aabaheed iyo abkeed ka weydey ayay Saaxil kala kulantay.

Intaanan hordhacan, aan ku dheeraaday,  gundhigiisa  u daadegin bal  aan soo dhexgeliyo sheeko   KU ARROOREYSA    biyo dhaca  isla arraartayda OO AAN KA SOO minguuriye xusuus qorkaygii baaliga ah.  Waa sheekooyinkii bilawgii 90aadkii oo aan kuwa  maanta jooga  waxba ku kala duwaney. Weli qooba lama rogin.

Waatan sheekadii iyada oo kooban ee  ku soo dhawaw:  Madasho waa hool ku yaal Bariga London, Algate East,  Tonbee Hall. Waa  bilawgii sagaashanaadkii. Hoogaamiyaha Somaliland waa alla ha naxariistee Mudane Cabdiraxman Axmed Cali. Waxaa la iskugu  yimi shir la doonayo in Somaliland idaacad qaran loogu  iibsho oo maalintaa ay ahayd in  beel waliba lacagtii badka soo dhigto. Wuxuu ahaa shirkii ugu hadalka koobnaa ee ugu baanaha yaraa ee ay Somali iskugu timid, ee  aan weligee  arakay. La iskuma raagin ba, waxaa lagu soo koobay su’aal iyo jawaab ah “Haa iyo Maya”.

Waxaa shir guddoomiye ahaa alla ha u naxariistee Cumar Meygaag Samatar oo shirkii furay. Mabuu badin hadalkee wuxuu ku soo koobay: “ Waa halkii wadaada eh, Qabdi ma lahayaa?” oo uu ula jeedey lacagtii ma sidaan.

Waxaa istaagey odaygii ka soo jeedey beesha Cabdiraxman Maxamud Axmed Cali oo ku tiraabay: “Haa, oo xayaga qabdigii  waa diyaar, waanu sidnaa lacagtii”.  Waxaa ka daba kacay dhigiisii ka soo jeedey Beesha Axmed Silaanyo. Wuxuu dadkii ku wergelyey: “Maya, Inta dawlad la helayo wax lacag ah iyo idaacad la iibinayaa ma jirto”. Waxaa kaana ka daba kacay nin ka soo jeeda beesha shir guddoomiyaha Cumar Meygaag, oo in kamid beeshaa afkooda ku hadlaya,  oo  yidhi: “ Maya, Inta mujaahidiintu cagaagan yihiin, ee aanay xil hayn,  lacag la dhiibayaa ma jirto”.

Markii intaa la isdhaafsaday oo uu jawigii cakirmay  Cumar Meygaag  cid kalaba muu sugin. Waxay ka fursan weydey in uu shirkii degdeg u xidho.  Waa  la salaamo naqsaday waana la kala tegey, iyada oo koox waliba guul tirsanayso, oo takarta iyaga fuushan mooyee ta kuwa kale fuushan arkaysa.

Markaan ka soo baxay waxaan la kulmay nin qiiraysan oo la yaaban kuwan lacagtii idaacada qaranka bixin waayey ee diidey. Waxaan ku idhi kuwa diidey iyo kuwa bixiyey isma darajo dhaammaan, waa dameer iyo labadiisi daan. Midna Caqli wax kuma diidin, midna caqli wax kuma bixin ee dhammaantood arrintoodu waa aabahay goblan ee adiga ayaan la yaab iyo ammakaag ku naafayn oo dhoorku kugu daalin.

Gundhigii maqaalkan iyo biya dhiciisii waa todobaadka danbe.