Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska iyo ku-xigeenkiisa oo khilaaf xooggani ka dhex Qarxay

0

London-(Berberanews)- Khilaaf xooggan iyo is afagran-waa xooggan ayaa ka dhex qarxay Ra’iisal Wasaaraha iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dowladda wadaagga ah ee Ingiriiska, ka dib markii uu soo baxay khilaaf ka dhashay Shir dalalka Yurub yeesheen Jimcihii.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, Nick Clegg, oo ka socda Xisbiga Liberal Democrats, ayaa waxa uu sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha, David Cameron, u sheegay in natiijada shirku ay tahay mid u daran Ingiriiska.

Ra’iisal Wasaaruhu waa Xisbiga Conservative ee dalkaas.

Cameron wuxu is hor-taagay heshiis laga gaadhi lahaa Deymaha Yurub, isaga oo ku tilmaamay inaan heshiis noocaas ahi dan u ahayn Ingiriiska. Mr. Clegg waxa uu ka digay in UK ay hadda halis ugu jirto in ay gooni socod noqoto, wuxuuse beeniyay in khilaafkani yahay billowga burburka dowladda wadaagga ah ee dalka Ingiriiska ka talisa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.