Radio berberanews:Khudbad isugu jirta duurxul, dardaaran iyo duruufihii uu la kulmay Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

0

Somaliland(berberanews)-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu Wareejiyay Wasiirka Cusub Mudane C/casiis Maxamed Samaale isla markaana cadeeyay inuu khasnada dawlada kaga tagay Lacag dhan 12 Milyan oo dollar.

waxaa xafladii Xil Wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Maaliyada waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro),Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C/laahi Axmed,Gudoomiyaha Baanka dhexe Cabdi Dirir Cabdi,Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Madax kale oo tiro badan.

RADIO BERBERANEWS KA DHEGAYSO K KHUDBADDII ENG MAXAMED XAASHI OO DHAMMAYSTIRAN

[audio:https://berberanews.com/wp-content/uploads/2012/03/Xaashi1.mp3|titles=Xaashi1]