Rag hubaysan oo weeraray Hotelka SYL ee Muqdisho

0

Miqdisho-(Berberanews)-Rag hubeysan ayaa weerarray hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

“Weerarka wuxuu ku billowday bam-gacmeedkaddib rasaas ayaa xigtay.” ayuu yidhi qof ka mid ah Dadka hotelka ku sugnaa xilliga uu weerarka dhacay.

“Cid gudaha hotelka usoo gashay ilaa hadda ma aanan arag.” ayuu ku daray.

Ciidammo amniga ayaa gaadhay hotelka. Ma jirto khasaaro la xaqiijiyay wali.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Hotelka uu weerarka ka dhacay ayaa ku dhow xarunta madaxtooyada , wuxuuna ku yaalla goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

hiiraan online