Ra’iisal wasaare Gaas oo sheegay inay diyaar u yihiin iskaashi walaalnimo oo Somaliland dhexmara baaqna u soo jeediyey

0

Nairobi-(Berberanews)- Ra’iisal wasaaraha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiweli MaxamedCali (Gaas), ayaa sheegay inay diyaar u yihiin iskaashi dhexmara Xukuumadda Somaliland oo uu ugu baaqay inay ka qaybgasho shir Soomaalida 23-ka bishan loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisal wasaare Gaas, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa uu mar kale  ku celiyey inay raalli ka yihiin inay Somaliland isku horfadhiistaan Shirka London. “Walaalahayga Somaliland marwalba diyaar ayaanu u nahay in aanu soo dhawayno in aanu wada hadalo oo sidaasi waxay weeye cidna xoog laguma keeni karo, marka waa loo baahanyahay wada hadal oo waa lagama maarmaan in aanu wada hadalo wada fadhiisano.”Ayuu yidhi Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed  Cali (Gaas) waxaanu intaa si raaciyey; “Sideedaba dawladnimo waa heshiis bulsho oo heshiis ay iguna raalli ka yihiin aniguna raali ka nahay in aanu isugu nimaadno oo aanu ka wada sheekaysano oo aanu meel wax isla dhigno waanu soo dhaweeyeyna oo cidkasta oo nagu taageerta ama ingiriis ha noqoto ama talyaani ha noqoto ama cidkale ha noqoto aad ayaanu u soo dhaweeyeynaa.”

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa sheegay inay dawladda Somaliland ka dhaxayso macaamil wanaagasan oo wixii ka xukuumada ahaan ay ku taageeri karaan ayaanu ku taageero.“Imikaba waxa jira mashaariic badan oo ay dawlada dhexe ku taageerto Somaliland oo ay u dambeysay saddex milayan oo dollar oo aan anigu u saxeexay oo ahayd biyo xidheeno oo intan ka jaban oo baniga afrika uu sameeyey Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Gaas, waxaanu intaa ku sii ladhay oo yidh; “Marka waxa weeye xidhiidhkii dhanka ganacsiga iyo dhaqaaluhuba intuba wuu jiraa oo aanu ka wada shaqaynaynaa intan siyaasaduna insha alle wakhtigeeda way soo dhammaystirmi doonta.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.