Ramaax: Kuwii ku faani lahaa anagay ahaayeen

0

Burco-(Berberanews)-Xogyahaya Arrimaha Gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleeban Ramaax, ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Afhayeenka Kulmiye Mr. Buuni.

Ramaax oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Burco, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Buuni ku faano libintii isaga (ramaax) iyo dad kale lahaayeen faankeeda.

“Afhayeenka sheegtay inuu kulmiye u yahay afhayeen, oon runtii aad uga xumahay waxa uu ku faanayo iyo wuxuu ka faanayo iyo wuxuu isagu shalay ka ahaa dalka.
Waxaa nasiib wanaag ah inuu ku faano, waxaa la yidhi ‘ faanku waa xoolo aan cidi lahayn’ laakiin kan cid baa lahayd, kuwii ku faani lahaa ee keenay boqolkiiba afar iyo konton anagay ahaayeen iyo rag ila mid ahaa, xisbi baanu ka tirsanayn kumana ciil qabno. Kuwii ku faani lahaa anagay ahaayeen ee horta inuu Buuni ku faanaa waa nasiib darro.”

Halkan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran.