Ramaax oo ka hadlay colaadda shidan ee Gobolka Sanaag

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleban (Ramaax), ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay wax ka qabato colaadda soo noqnoqatay ee Shidan oo ka tirsn Gobolka Sanaag.

“Waa nasiib darro, markay beelo noqdaan ee ay soo noqnoqoto [colaadu] waad karahsanaysaa ka hadalkoodu, waayo muxuu ku dhimanayaa qofku? Waa nasiib darro weyn beelaha halkaa [shidan] ee wax isyeelay ila xalayna waxaan maqlaynay in laga hawlgalay oo maxaabiistii lays dhaafsaday.” Ayuu yidhi ramaax.

Mr Ramaax waxaa kale oo uu shacabka Somaliland u soo jeediyay inay qaataan tallaabooyinka lagu yaraynayo faafitaanka caabuqa Corona Virus, isagoo u tacsiyadeeyay ehlada dadkii u geeriyooday.

Halka ka daawo muuqaalka warka Maxamuud Cali Salebaan oo dhamaystiran.