Raysal-wasaaraha Somalia oo amar dul dhigay Wasarada Maaliyadda

0

Muqdisho-(Berberanews)-Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble ayaa amar waxaa lagu siiyay wasiirka Maaliyada inaanu wax kharash ah ka bixin karin khasnada dowladda, iyada oo aanan ogolaasho ka helin masuuliyiinta wasaaradda Maaliyada Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Amarkaan cusub ee uu soo saaray raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay iney tahay sababta ka dambeysa in taxadar dheeraad ah loo yeesho kharashaadka ka baxaya khasnada dowladda iyo isticmaalka lacagta IMF, maadama uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble :-