Real Madrid Oo Isku Taga Imaaraadka Carabta Ka Dhisaneysa Jasiirad Raaxo Oo Macmal Ah.

0

(Berberanews Sports ‘Spain’):- Jose Mourinho, oo uu la socdo kabtankii hore Zinedine Zidane, Karem Benzema iyo Sergio Ramos ayaa ka caawiyay Real Madrid soo bandhigista naqshada qorshaha cusub oo ay xarun dalxiis uga sameysanayaa Imaaraadka carabta kaasoo la furi doono bisha June 2015.

Jasiiradan macmalka ah ayaa loo bixiyay ‘Real Madrid Resort Island’ waxaana saacidi doonta dowlada imaarada Ras Al Khaimah sida ay kooxda sheegtay shalayto.

Soo bandhigis ay ku sameysay naqshada ay doonayaan shalayto oo lagu soo bandhigay Bernabeu ayaa waxa ay muujineysay inay doonayaan inay halkaasi ka dhisaan xarun laga helo adeegyada Isboorti, deked yar oo ay ku soo xidhaan doomaha raaxada, hooteelo raaxo, filooyin, xarun madadaalo, madxaf ay kooxdu leedahay, iyo garoon casri ah oo qaada 10 kun ruux oo hal dhinac uu u furan yahay dhanka badda.

 

Sida uu ay u ekaan doonto Real Madrid Resort Island.

“Waa istaraatiijiyad aan ku dooneyno inaan ku xoojino saameynta aan ku leenahay bariga dhexe iyo Aasiya” ayuu yidhi madaxweynaha Real Florentino Perez.

Xaruntaan raaxada oo ku fadhiyi doona 430,000 oo mitir oo labo jibaaran ayaa la filayaa inay soo jiidato hal milyan oo dalxiisayaal ah sannadka 2015ka marka la bogo dhismaheeda.

Real ayaa sheegtay in jasiiradan macmalka ah goobta ay ku taalo inay tahay meel u sahlan taageerayaasheeda yurub iyo bariga fog oo lagu daray 300 milyan taageerayaal ah oo ay ku leeyihiin Asia.

Dhismaha Real Madrid Resort Island ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa ku bixi doonta lacag lagu sheegay hal bilyan doolar.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports