Real Madrid Oo La Cayaari Doonta LA Galaxy Tartanka Saaxiibtinimo Ee World Football Challenge.

0

Spain (Berberanews Sports):- Real Madrid ayaa la cayaari doonta kooxda LA Galaxy booqashada ay ku mari doonaan Mareykanka iyadoo qeyb ay ka tahay tartanka saaxiibtinimo ee World Football Challenge, sida ay xaqiijisay kooxda Mareykanka.

Cayaartaan waxaa lagu cayaari doonaa garoonka kooxda horyaalka Mareykanka ka ciyaarta 2da bisha August, waana sannadkii labaad oo isku xigta oo la qabto tartankaan saaxiibtinimo oo kooxo badan ay ka qeyb galaan, laakiin aanay shardi aheyn inay dhamaantood iswada arkaan. 

Ciyaartaan ayaa nooqon doonta ciyaartii afaraad ee Galaxy ay la ciyaaraan Madrid, waxaana ciyaartoodii saaxiibtinimo ee ugu horeysay ay aheyd 2005tii.

Kooxaha kale ee ka qeyb qaadanaya ciyaaraha saaxiibtimo ee ka dhacaya Mareykanka xagaagan waxaa ku jira Liverpool, Chelsea, Paris Saint-Germain, AC Milan, Seattle Sounders iyo New York Red Bulls.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports