Real Madrid oo Lacag iyo Ciyaartoy Miiska u Saartay Man City si ay Aguero u Helaan

0

Ciyaaraha-(Berberanews)-Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka La Liga ee Real Madrid, ayaa dhiggeeda Man City u soo bandhigtay qorshe cusub, kadib markii u bandhigeen lacag iyo ciyaartoy si ay gacanta ugu dhigaan Sergio Aguero

Wargeyska AS, ayaa qoray shalay in Real diyaar la tahay weeraryahankeeda Gonzalo Higuain iyo lacag dhan 8.5 milyan Pound, isla markaana bilaabeen siday Man City arrintan ugu qancin lahaayeen.  

Dhinaca kale, Diego Maradona oo dhalay gabadha uu Aguero qabo ayaa isna kula taliyey inuu ku laabto horyaalka Spain, gaar ahaa Real Madrid oo uu ku tilmaamay koox uu magaciisa ku soo saari karo.

Berberanews.com

Barnaamijka Ciyaaraha

Email,info@berberanews.com