“Reer Burco gacantay ka taageen tartan qandaraas oo lagu bixiyo khashinka..” Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco

0

Burco-(Berberanews)-Xoghayaha Dawladda Hoose ee magaalada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur,  ayaa sheegay in shacabka magaalada Burco gaashaanka ku dhufteen qorshe dawladda Hoose doonaysay inay shirkado gaar ahaaneed ku wareejiso guriska xashiishka.

Xoghayaha Dawladda Hoose oo warraysi gaara siiyay shalay suxufi ka tirsan bahda Shebekadda Berberanews oo safar shaqo ku tegay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa daboolka ka qaaday in shacbiweynaha Reer Burco ka gaws-adaygeen qorshe la doonayay in tartan qandaraas lagu bixiyo gurista xashiishka, taasoo uu sheegay inay Reer Burco kaga tusaale qaateen shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qandaraaska lagu siiyay Nadaafadda Hargeysa iyo Borame oo ay reer Burco ku tilmaameen kuwo aan waxba u soo kordhin.

“Waxaan ka hadlayaa nadaafadda oo ah qaybta ugu muhiimsan ee arrimaha bulshada, Haddaanu reer Burco nahay sida magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame oo kale waxay qasinka siiyeen shirkado gaar loo leeyahay, annaguse weli kumaanu bixin, oo anagaa gacanta ku hayna Dawlad Hoose ahaan laakiin dhawaan waxaannu dadweynaha u soo bandhignay tartan qandaraas oo lagu bixiyo khashinka,  Reer Burco gacantay ka taageen, oo waxay yidhaahdeen, ‘Hargeysa iyo Boorame waanu haynaa warbixintooda, wax  allaale wax shirkadihii gaarka loo lahaa soo kordhiyeen ma jirto, idinkaa dawladdii ah oo aanu idin canaan karnaaye, nin shicib ah marka naloogu dhiibo waxaannu qabnaa wax allaale wax uu noo kordhinayaa inaanu jriin, markaa waxaannu codsanaynaa oo idinku adkaynaynaa in xukuummada aanu kula xisaabtami karnaa idinka tahay [Dawladda Hoose], markaa runtii codsigaa dadkana waanu tixgelinay nadaafaddayaduna meel fiican bay gaadhay .”sidaa waxa yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in korodhka magaalada Burco uu barbar socdo korodhka culays ee dhinaca nadaafadda, “Maalin kasta waxaan diraa afar baabuur oo joogto ah oo magaalada gudaheeda xashiiska ka soo gura, waxa kale oo aan raaciyaa laba illaa saddex gaadhi oo cagafyo ah oo ka caawiya xagga nadaafadda, magaalada Burco-na waa caasimadii labaad ee wadanka oo way sii fidaysaa, korodh kasta oo magaaladu sammayso waxaa la socda korodhka khasinka oo ay sabab u yihiin korodhka mujtamacu.”

Xoghayaha Dawladda Hoose ee magaalada Burco, waxa uu xusay in magaalooyinka kale ee dalku ka gaabiyeen digreetadii Madaxweynaha Somaliland ka soo saaray in 45kii cisho hal maalin dalka oo dhan laga sammeeyo olole nadaafadeed, “Xukuummadda cusub markii ay dhalatay waxa jiray in madaxweynaha Somaliland soo saaro qoraal in 45 cishoba hal mar la sammeeyo olole ballaadhan oo dhinaca nadaafadda ah in dalkoo dhan laga fuliyo, waxaad moodaa in magaalooyinka kale oo dhammi ay dardartii hore ku joojiyeen anagu haddaanu Reer Burco nahay, taas waanu sii wadnaa ololahayaga.”

Xoghayuhu waxa uu ka digay ganaax uu ku soo rogi doono dadka iyo meheraha caadaystay qashin ay habeenkii dhigaan badhtamaha magaalada, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaa wadanka aan ku arkay caadooyin aynaan lahaan jirin, gaar ahaan Burco iyo Hargeysa waxa jira in habeenkii magaalada badhtankeeda ee laamiga faras-magaalaha ishu qabanayso ee dhirta iyo ubaxa laga beeray ayaa subaxii laguu dhigayaa khasin iyo wasakh, dabadeedna markaad subaxii indhaha ku kala qaado naxdin baa ku dilaysa, dadka iyo meheradaha caadaystay arrintan wax allaale wax ay dalka iyo dadka u soo kordhiyeen ma jiraan, waanaannu uga digaynaa oo waannu ku ganaaxi doonaa.”

 Gebogebadii, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur,, waxa uu shacabka magaalada Burco ku nool u soo jeediyay inay il gaara ku hayaan dadka shisheeyaha ah ee qashinka ka gura oo aan gaadhsiin goobihii loogu tallogalay, “Dadweynah Reer Burco waxaan doonayaa inaan ku waaniyo waxa jirta in xaafadduhu khasinka u soo dhiibaan dad Oromo ah oo aan u nasteexaynayn ee ujeedadiisu tahay dhaqaalaha yare ee uu ka qaato, inta badan habeenkii bay dadkaasi khasinka ka qaadaan xaafadaha waxaa dhacda inaanay gaadhsiin goobtii loogu tallogalay, dabadeedna aanu anagu subaxii meel dhexe ka qaadno, qofkii muwaadinka ahaana lacagtii waa laga soo qaaday, goobtiina laga gaadhsiin, markaa Muwaadiinniinta waxaanu ka codsanaynaa inaad wax nagala qabataan oo nagala shaqaysaan dadka aan dadka u danaynayn ee la ogaado oo lagu dabagalo.”

Berberanews.com

Burco, Somaliland

Email,info@berberanews.com