“Reer Tolkay way innaga maqan yihiin oo way inna diiddan yihiin, Siyaasad ahaan ayay innoo diiddan yihiin, Hadh galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yidhi orda oo iska taga…”

0

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaabsade…..Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirkii hor ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wecyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaasbsade, oo Arbacadii hore Madweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka beddalay Wasaaraddaas una magacaabay Wasaaradda hawlaha guud iyo Guryeynta, ayaa ku baaqay dadka aan Ururkii SNM ku abtirsan ee ka soo jeeda qaar ka tirsan Beelaha hadda Somalialnd wada dega.

Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad uu xilka kaga tirsaday Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida Beesha uu ka soo jeedaa aanay uga dhex muuqan dawladda Somaliland.

“Waxaan taabanayaa waxa halkan lagaga hadlayay SNM iyo dadkii soo shaqeeyay. Manhajkeena waxbarashadda ayaa lagu daray SNM, wiilashii aan SNM ahayn ee aan ku abtirsan ee iyaba mujaahidiin lahaa haddii aan lagu darin manhajka wax la wadaagi maayo. Waa in daraawiishtii lagu soo daraa. Waa in lagu soo daraa raggii gaalladda inaga celiyay ee diinta u dagaalamay ee labaatankii aynu soo dagaalanay in leeg dagaalamay ha lagu darro manhajka oo wasaaradda waxbarashadda ha loo sheego. Wasiirka warfaafintuna ha sii fidiyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Md. Xaabsade.

Axmed Xaabsade wuxuu sheegay in beeshiisii ay siyaasad ahaan diiddan yihiin Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi; “Reer Tolkay way innaga maqan yihiin oo way inna diiddan yihiin. Siyaasad ahaan ayay innoo diiddan yihiin si kale innooma diiddana. Hadh galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yidhi orda oo iska taga. Dadkii markaa arrintaasi go’aamiyay maanta cidi kama joogto. Laakiin waxa xukunkii haya raggii diidanaa arrintaasi.”

“Waxaan leeyahay sidii dadkaasi lagu soo celin lahaa iyo wixii lagu muunayn lahaa hala baadi doono oo dawladdu ha doonto oo ha u fadhiisato oo dagaal sokeeye ninna waxba tari maayee la wada hadlo. Waxaan Tolkay u sheegayaa inaanay beeli waxba tarayn.”ayuu yidhi Md. Xaabsade.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.