Ribery Iyo Robben Oo Lagu Soo Waramayo Inay Ku Dhex Dagaalameen Qolka Labiska Kulankii Real.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaartoyda Bayern Munich Franck Ribery iyo Arjen Robben ayaa dagaal uu ku dhexmaray qolka labiska intii ay socotay ciyaartii Bayern ay 2-1 kaga badisay Real Madrid ee semi-finalka Champions League, sida ay ku warameyso jariirada Bild.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa lagu arkay isagoo nabar uu wajiga ka soo gaadhay, waxaa la rumeysan inuu ka dhashay dagaal yar oo dhexmaray isaga iyo saaxiibkiisa reer France xilligii lagu guda jiray nasashada.

Robben ayaa lagu soo waramayaaa inuu ku adkeystay inuu bilisoon tuuro daqiiqadii 44aad Toni Kroos, iyadoo 22 jirkaasi uu kubada dhaafin waayay baarka.

Ribery ayaa markaasi garoonka kaga baxay isagoo cadhaysan, waxaana ay qolka labiska isku dhaceen Arjen Robben.

Mar ay saxaafada weydiisay tababaraha Bayern Munich Jupp Heynckes isku dhaca labada ciyaaryahan waxa uu ku jawaabay:

“Sharci ahaan waxaan qabaa wixii gudaheena ka dhex dhaca inay halkooda ku ekaadaan”

“Qolka labiska waxa uu  gaar u yahay ciyaartoyda. Wax walba ayaa la isla dhexmari karaa, sidaasi darteed waxba kama dhahayo arintaan”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports