Roberto Mancini: Go’aanada Garsoorayaasha Looma Sina Tartanka Horyaalka.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa shaaca ka qaaday in sharciyada aan loo sinayn marka ay timaado go’aanada garsoorayaasha.

Carlos Tevez ayaa jaale ku qaatay istuur uu sameeyay kulankii ay 6-1 kaga badiyeen Norwich City, waana go’aan uu Mancini uu ka xanaaqay.

Inkastoo uu tababaraha Talyaaniga diiday in farta uu ku fiiqo kooxna, hadaladiisa ayaa waxa ay imaanayaan xilli labadii kulan ee ugu danbeysay ee Old Traffor Ashley Young loo dhigay rigoorooyin muran uu ku jiro.

“Ka dib xaaladaha qaar aan arkay seddexdii ama afartii wiig ee u danbeysay, waxaan qabaa in xaalada ay nagu adkeyd” ayuu Mancini u sheegay suxufiyiinta.

“Markii aan Italy joogay waxaan mar walba u maleyn jiray in garsoorayaasha England ay yihiin kuwa ugu fiican. Lakiin fekerkeyga haatan waa isbedelay”

“Sharciyada uma sina qof walba”

inkastoo weli afar kulan uu hadhsan yahay islamarkaana tartanka horyaalka uu meel xiiso marayo, Mancini ayaa ku celiyay in tartanka horyaalka uu soo dhamaaday.

“Shan dhibcood waa ay badan tahaty, waana ku celinayaa, waxaa jira xaalado qariib ah oo aanan jecleyn, wax fursad ah uma heysano horyaalka”

“Fekerkeyga ayaan ku adkeysanayaa afarta wiig ee soo socota. Horyaalka waa dhamaaday”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports