Roma Oo U Qabatay Daniele De Rossi Ilaa Dhamaadka Bishan Inuu Ku Saxeexo Heshiiska Cusub.

0

(Berberanews Sports):- Roma ayaa ka dalbatay inuu Daniele De Rossi qalinka ku duugo ka hor dhamaadka bishan Janaayo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe De Rossi ayaa wadahadalo uu heshiiska ugu cusbooneysiinayo kula jiray madaxda kooxda Roma ilaa xagaagii hore, iyadoo uu qandaraaskiisa dhacaya bartamaha sannadkan. Lakiin kooxda iyo ciyaaryahanka ayaa weli isku afgaran la’ mushaharka uu dalbanayo.

Giallorossi ay la rumeysan yahay inay u soo bandhigtay mushahar ka agdhow mushaharkiisii hore, balse ay la socdaan lacago dheeri ah oo ku xidhan qaab ciyaareedkiisa, taasoo hadii uu qaato gabi ahaanba ay isku gaadheyso sannadkii 6 milyan euro.

Si kastaba, waxaa la dareensan yahay in De Rossi uu doonayo inuu qaato 6 milyan euro balse aan lagu xidhin lacagtaas qaab ciyaareedkiisa.

Waana wadahadalkii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya ciyaaryahanka reer Roma iyo kooxdiisa, iyadoo agaasimaha guud ee kooxda Franco Baldini uu u sheegay IlMessaggero inay doonayaan inuu De Rossi si dhaqso ah mowqifkiisa u cadeeyo si ay uga tashtaan ma ugu tashtaan.

“Dhamaadka jun waxaan ka filaneynaa labada jawaabood midkood. Intaas ka badan wadahadal ma sii wadi karno” ayuu yidhi.

Roma ayaa dooneysa inay ciyaaryahanka iska iibiso bishan Jun hadii uu aqbali waayo qandaraaskooda, si ay uga fogaadaan inay si bilaash ah uga tago xagaaga.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports