Ronaldo: Finalka Champions League Waxaa Wada Ciyaari Doona Barcelona Iyo Real Madrid.

0

(Berberanews Sports):- Halyeyga reer Brazil Ronaldo ayaa aaminsan in xilli ciyaareedkan finalka Champions League ay isagu iman doonaan labadiisii kooxood ee hore Barcelona iyo Real Madrid.

Kooxda reer Catalan ayaa wajihi doonta semi-finalka kooxda Chelsea halka Real Madrid ay la ciyaari doonto Bayern Munich.

Si kastaba, Ronaldo ayaa kalsooni ku qaba in labada kooxood ee reer Spain ee uu ficiltanku ka dhaxeeyo inay u soo bixi doonaan finalka 19ka May lagu qaban doono Allianz Arena.

“Real Madrid iyo Bayern Munich labadoodaba heer sarre ayay joogaan, si fiican ayayna u dagaalami doonaan semi-finalka, lakiin waxaan rumeysanahay in Real Madrid ay soo gaadhi doonto ilaa halka ugu danbeysa” ayuu Ronaldo u sheegay ESPN Brazil.

“Dhaqaalaha Spain dhulka ayuu marayaa lakiin labadan kooxood Madrid iyo Barca waxa ay joogaan heer ka sareeyaa inta kale. Finalka Champion League waxa uu u dhaxeyn doonaan labadooda”

Weeraryahankii hore ayaa markaasi ka hadlay tababaraha Madrid Jose Mourinho oo uu aaminsanahay inuu sii joogi doono kooxda Los Blancos.

“Waa nin guusha la saaxiib ah, islamarkaana horumarin kara ciyaartoyda. Waxa uu heystaa koox weyn oo Real Madrid ah oo ku guuleysan karta wax walba. Waxaan qabaa inuu sii joogi doono Real. Uma maleynayo inuu ka tagayo, ilaa iyo uu gaadho hamigiisa”
ayuu hadalkiisa ku koobay 35 jirkaan.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@Berberanews.com

Berbernews Sports