Ronaldo iyo Valdes oo ku Jira Liiska 7 Laacib oo Qarka u Saaran inay Seegaan Ciyaarta Clasico-da

0

Cristiano Ronaldo, Victor Valdes iyo ciyaaryahanno kale oo muhiim ah, ayaa qarka u saaran inay seegaan ciyaarta Clasico-da ee 21-ka bisha April garoonka Camp Nou ku dhexmari doonta kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Victor Valdes, Seydou Keita, Alexis Sanchez iyo Thiago Alcantara oo Barcelona ka tirsan, ayaa dhammaan haysta min afar kaadh oo Huruud, waxaanay seegi doonaan Clasico-da haddii ay huruud kale qaataan.

Sidoo kale, Cristiano Ronaldo, Xabi Alonso iyo Fabio Coentrao oo iyana Real Madrid u ciyaara, ayaa halis ku jira haddii aanay labada ciyaarood ee soo socda ka feejignaan qaadashada kaadhadh huruud ah amma kaadhka cas.

Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahannadan waxay haystaan laba ciyaarood oo ka dhiman kulankan xiisaha badan, waxaanay Real la ciyaari doontaa Atletico Madrid iyo Sporting Gijon, halka ay Barcelona foodda isdari doonaan Getafe iyo Levante.