Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Hargeysa iyo Khasaaraha Rasmiga ah ee ay gesyteen Roobabkii todobaadkan

0

Hargeysa-(Berberanews)-Magaalada Caasimadda Hargeysa waxa galabta ka da’ay roobab xoog leh oo muddo laba saacadood ah soconayay. Ma jiro wax khasaare ah oo illaa hadda laga sheegay roobabkan, haseyeeshee intii aanu roobku di’in waxa marqudha magaalada gilgilay dabaylo siigo cas wata oo khasaare badan gaadhsiiyay badhtamaha iyo daafaha magaalada.

Roobabku waxay saqafyadda sare ee jiuingadda ka qaadeen neherado, guryo iyo jirdoomooyinka la hadhsado qaarkood, gaar ahaan Jirdiinka Jeelka Weyn ee magaalada Gudaheeda oo ay ku nastaan dadka booqda maxaabiista ku jirta Jeelka iyo kuwo cuntooyinka u geeya.

Roobabka oo inta badan ka curtay Gobollada Galbeedka Somaliland iyo qaybo ka mid ah Gobolka Saaxil waxa ka dhashay khasaare naf iyo maal leh oo oo inta la ogyahay  wiil dhallinyaro ah oo uu ku dhintay xaafadda Jigjiga ee caasimadda Hargeysa ka dib markii uu ku dhegay laydh ay roobabku jareen, sidoo kale saddex maalmood ka hor Haweenay Reer Arabsiyo ah ayuu la tegay dooxa Arabsiyo oo daad badani maray.

Sidoo kale, inta la ogyahay saddex baabuur, ayaa khasaare culus soo gaadhay markii uu qaaday dooxa Aw-barkhadle oo masaafo ahaan 30km Bari ka xiga caasimadda Hargeysa, inkastoo aan cidi ku dhiman hadaba waxyeelo aad u culus soo gaadhsiiyay gaadiidka oo inta badan dhibaato kala kulma dooxyada waaweyn ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com