Rooney oo Man City ugu Hanjabay inay Horyaalka Ingiriiska ku Qaadi Doonaan Garoonka Etihad

0

Ciyaaraha-(Berberanews)-Weeraryahanka Man United ee Weyne Rooney, ayaa ku hanjabay inay horyaalka Ingiriiska ku qaadi doonaan garoonka Etihad ee Man City oo ay ciyaartooda labaad ee ka dhici doonto 30-ka bishan aynu ku jiro ee April.

 

Rooney waxa uu hoosta ka xarriiqay in Man City rikoodh fiican ku haysato gurigeeda, isla markaana aan weli lagaga badin, laakiin uu kalsooni buuxda ku qao inay saddexda dhibcood kala hadaafi doonaan.

Waxa kaloo uu Rooney caddeeyey in mooraalkii ciyaartoyga Man City hoos-u-dhacay, isla markaana uu khilaaf dhexdooda ka jiro, taasina ay ka caawin doonto inay iska maydhaan ceebtii ay Old Traoford u xambaariyeen.

Berberanews

Barnaamijka Ciyaaraha

Mustafe Kastam