Saamayn noocee ah buu Somaliland ku yeelan karaa ka bixitaanka heshiiska saldhigga Milateri ee Berbera

0

Berbera(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shaaca ka qaaday inuu ka baxay baxay Heshiis ay Xukuumaddii Hore Saldhig Millateri ku Siisay Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay Imaaraadka Carabta, ayaa dhigayey inay Millateriga Imaaraadka Carabtu saldhiggaas degganaadaan muddo 25 sannadood ah.

Haddaba, waxa la is-weydiinayaa maxaa sababay inay Somaliland heshiiskaas ka baxdo sida uu Madaxweynuhu sheegay, maxaa is-beddelay? Ka bixitaanka heshiiskani ma saamaynayaa heshiiska ay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ee maamusha Dekedda Berbera ay kula jirto Somaliland? Inkasta oo aanu su’aalahaas oo dhan Madaxweynuhu ka jawaabin, haddana waxaynu dib u eegaynaa heshiiskaas Saldhigga iyo siduu u dhacay iyo arrimo la xidhiidha ee kaga bogo muuqaalka iyo qoraalka ka hooseeya oo aannu idiinku soo gudbinaynay halkan hoose:-