Saaxil: Xildhibaanno iyo oday-dhaqameed la hadlay magacaabista M. Xasan Dirir

0

Berbera-(Berberanews)-Mayar ku-xigeenka Magaalada Berbera iyo Xildhibaanada golayaasha degaanka ee degmooyinka Berbera iyo sheikh iyo odayaal,ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey xilka uu u Magacaabay Aqoonyahan Maxamed Xasan Dirir,kaas oo u Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Somaliland.
Maayar ku xigeenka Magaalada Berbera.

Xildhibaanada iyo Odayaashan oo War-baahinta kula hadlay Magalada Berbera ayaa sheegay sidan :-“waxaan halkan hambalyo iyo duco uga dirayaa Maxamed Xasan Dirir oo uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda biyaha Somaliland waxaan leeyahay illaahay xilkaa hakugu asturo oo hakuu fududeeyo,waxa kale oo aan halkan Mahadnaq uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u Magacaabay xilkaas waanu ku haboonyahay..”Ayuu yidhi Mayar ku-xigeenka Berbera.

Waxa isna halkaas ka hadlay Xildhibaan Carab dhego carmo oo ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Berbera,waxaanu ugu horeyn halkaas ka jeediyey mahad-naq ballaadhan oo ujeediyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaanu haddalkiisu u dhignaa sidan:-“waxaan ku hambalyeynaynaa xilka culus ee loo dhiibay Maxamed Xasan Dirir ee ah agaasimaha guud ee Wasaaradda biyaha Somaliland,waxaanu leenahay xilkaa laguu dhiibay illaahay hakugu asturo ,sidii aad ummadda ugu caddalad samayn lahayd hawshaadana aad uga soo bixi lahayd ayaanu kugula talinaynaa ,waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee gartay inankaa yar ee aqoonyahanka ah inuu xilkaa isaga ah u magacaabo,waxaanu leenahay Madaxweyne waad ku mahadsan tahay,inankana waxaan ku dardaaraynaa inuu caddaalad ku shaqeeyo shaqadiisa uu si wanaagsan uga soo baxo nin halkaas hadhow derajo ka saraysa uu noqdo.”Ayuu yidhi Xildhibaan Carab.

Dhanka kalene Oday Maxamed Ciise Dirir iyo oday Cali Ismaaciil oo iyana halkaas ka hadla,ayaa si weyn ugu mahadceliyey Madaxwyenaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaanay halkaas haddalo duco iyo hambalyo ah uga soo jeediyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Maxamed Xasan Dirir.

Geesta Kale Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo Magaalad Hargeysa uu Telefishanka Bulsho ku weydiiyey dareenkiisa xilkaas uu u Magacaabay Madaxweynaha Qaranku ayaa sheegay sidan :“illaahay ayaa mahadle marlabaad waxaan mahadnaq ballaadhan u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ii magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay,Bulsho baddan oo reer Somaliland ah ayuu tiro kooban oo kale shaqaynasa uu ka xushaa marwalba kuwaas ayuu igala mid dhigay Madaxweynuhu oo uu igu daray waan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha..” Ayuu yidhi Dirir.

Waxaanu intaas Ku daray “Runtii xilku waa culays masuuliyad weeye ummada reer Somaliland oo dhan ayaa masuuliyadaas leh waa xil waa culays waxaan dareemayaa kolayba culays baddan,gudashadeeda waajibaadka meeshaa yaala aad ayuu u ballaadhan yahay illaahayna waxan ka baryayaa laba talloba tii roon inuu igu hagaajiyo ,waxaanan runtii niyad iyo kal-gacal u hayaa ummadda Somaliland ee aan jeclahay in aan ugu shaqeeyo hufnaan iyo dedaal horeba qof aaminsan ayaan u ahaa kartidiisa iyo aqoontiisaba inuu bulshadiisa iyo dadkiisa ugu deeqo ummadda Somaliland waxaan ugu shaqayn doono dedaal iyo wixii karti ah ee suurtagal ah ee aan samayn karro ,Madaxweynaha waan uga mahadnaqayaa aad iyo aad ayuu ugu mahadsan yahay.”Ayuu yidhi Agaasime Dirir.