Saleban Cali Koore Wasiirka horumarinta Biyaha oo Safarkiisii Ugu Horeeyey Sanadkan 2019 Ku Gaadhay Gobolka Hawd Iyo Mashariic uu Dhagax Dhigi Doono

0

Baligubadle (Berberanews)Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland saleebaan yuusuf cali(KOORE iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Baligubadle ee Xarunta gobolka Hawd Waxaana uu Wasiirku halkaasi u tagay sidii uu u Dhagax dhigi lahaa mashaariic horumarineed isla markaana Xadhiga uga jari lahaa Ceelal biyood ay Halkaasi ka hirgelisay Wasaaradiisu.

” Wasiir koore Ayaa Safarkiisii ugu horeeyey Sanadkan Cusub ee 2019 ku Gaadhay baligubadle Xaruntii Halganka Waxaana uu Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay facebook ku sheegay sidan.

 

Safar shaqo oo mashaariic horumarineed Salka Ku Haya Isla Markaana Iskugu Jira xadhig ka jaris iyo dhagax-dhig ayaan ku gaadhay maanta Deegaamada Gobolka Hawd.

Waxay ibofur u yihiin bilaabistii mashaaricdii 2019ka.

Reer Sool iyo Reer Baligubadle waa isu Awooowayaal waxaan ka dhaxeeya taariikh guun sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta waqti wada qaadano inagoo wax wada qabsi iyo dantii qaranka ku foogan