Samuel Eto’o Oo Ka Hadhay Dalabkiisii Ahaa Magdhow Inay Siiso Kooxda Barcelona .

0

(Berberanews Sports “Spain”):- Kooxda Barcelona ayaa ku dhowaaqday in weeraryahanka kooxda Anzhi Makhachkala Samuel Eto’o uu ka hadhay doonitaankiisi ahaa in laga siiyo magdhow u wareejintii ay Barca u wareejisey kooxda Inter sanadkii 2009.

Ciyaaryahankan xulka dalka Cameroon ayaa dacwad la tiigsaday kooxda Blaugrana isagoo doonayay in laga siiyo Komishan lacag dhan saddex malyan oo Euro ah iyo lacago kale oo dulsaar ahayd heshiiskii ay wada gaadheen kooxaha Barcelona iyo Inter.

Maxkamada shaqaalaha Barcelona ayaa bishii April 2010 xukmisey in Barca aan waxba loo raaci karin balse xukunkaas ayuu racfaan ka qaatay Eto’o isagoo diidey go’aankaa.
Si kasta ha ahaatee, 31 jirkaan ayaa iska daayay dacwadan iyadoo kooxda Barcana ay soo dhoweysey go’aanka uu qaatay Eto’o.

 “Barcelona waxa ay si cad ugu mahadcelineysaa Sameul Eto’o oo kamid ahaa laacibiintii goolal badan u dhalisey taariikhda kooxda Barca sida uu u xalliyey khilaafkan isagana daayay dacwada.”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay kooxda Barca.

Eto’o ayaa u dhaliyey kooxda Barca  108 gool  145kulan oo uu u saftay kooxdan ka ciyaarta  Primera Division kahor inta aanuu u wareegin kooxda Inter sanadkii 2009.

Samuel Eto’o Oo Ka Hadhay  Dalabkiisii Ahaa Magdhow Inay Siiso Kooxda Barcelona

 

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports