“Sanadka sanadkiisa Somaliland oo aqoonsi caalamiya hanatay” Xamse X. Dool

0

Uganda-(Berberanews)-Wakiilka Somaliland ee Dalka Uganda Ambassador Hamse Haji Dool, ayaa shacabka Somaliland la wadaagay munaasibadda Hambalyada Ciidul Adxa.

Dhambaal Hambalyo uu Ambassador Xamse soo gaadhsiiyay shebekadda Berberanews.com, waxa uu Somalilanf u rajeeyay inay sanadka sannadkisa hesho aqoonsi caalamiya, dhambaalka ayaa isagoo dhammaystiran u dhigna sidan:
“Hambalyo Munaasibadda Ciidul-Adxa
‎”عيد مبارك وتقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال”
+++++++++++++++++++++++++++++++
Aniga oo ku Hadlaaya Magacayga Iyo Magaca Wakiilka Xafiiska Somaliland ee Dalka Uganda Waxaan Hambalyo La wadaagayaa Farxada Munaasibadda Ciidul-Adxaha Awgeed Guud ahaanba shucuubta Islaamka iyo Umadda Geeska Africa gaar ahaanna shacabka Somaliland Gudo iyo Dibadba, Waayeel, Dhallinyaro, Rag iyo Haweenba, si gaar ahna waxan hambalyo udirayaa *Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil “Saylici” Dhamaan Golayaasha qaranka, Hogaanka Sadexda Xisbi Qaran iyo Ciidanka kala Duwan ee qaranka*.

Waxaana ilaahay ka baryayaa in uu inaggu gaadhsiiyo dhamaanteenba Ciidan Ciideeda bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo, Jamhuuriyada Somaliland oo Caalamka ka mid ah Aqoonsi buuxana hanatay, Horumarna hiigsatay.”