WASHINGTON-(Berberanews)-Sarkaal ka tirsanaa hay’ada Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa lagu diley Soomaaliya, sida uu qorey wargeyska New York Times, oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda.
Warbixinta New York Times ayaa lagu sheegay in dilka uu dhacay dhowr maalmood ka hor, mana cadda illaa iyo hadda sida uu ku dhintay sarkaalka.