Sarkaal ka tirsanaa Mucaaridka Djibouti oo xabsiga ku geeriyooday

0

Jabuuti(Berberanews)-Sida laga soo xigtay xubin ka tirsan guddiga Xuquuqda Aadanaha dalka Jabuuti waxaa xabsiga dalkaas ku geeriyooday Maxamed Axmed Jabha oo la sheegay in uu ka tirsanaa jabhadda FRUD ee mucaaradka dalka Jabuuti.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu dhintay Talaadadii aynu soo dhaafnay laakiin hadda uun la shaaciyay geeridiisa, iyadoo muddo dheer lagu waramayo in uu xabsiga ku jiray. 

Laakiin haddana dhinaca kale guddoomiyaha guddiga xaquuqda Aadaha ee dowladda Jabuuti Saleebaan Cumar Cudin ayaa VOA u sheegay in sarkaalkan ka tirsanaa Jabhada FRUD uu ku geeriyooday Isbitaalka.

‘’Ninkan Dhakhtarka ayuu yaalay oo daaweyn caafimaad ayaa u soctay, markii danbana halkaa ayuu ku geeriyooday’’ ayuu yidhi guddoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha Jabuuti oo beeniyay in uu xabsiga ku dhintay Maxamed Axmed Jabha.

Guddomiye Cudin ayaa intaa ku darray in Talaadadii la soo dhaafay mar ay booqdeen xabsiga uusan ka mid aheyn maxaabiistii ay halkaa kula kulmeen iyadoo naloo sheegay ayuu yiri in uu yaalo isbitaalka, halkaana lagu daweynayo.

Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka Jabuuti Cabdiraxmaan Cudin ayaa lagu tilmaamaa Masuul aan xaqiiqada ka sheegin dhacdooyinka Dalkaas Jabuuti dhaca xidhiidh dhawna la leh Madaxweynaha Dalkaas Imaaciil Cumar Geele oo lagu tiriyo inuu yahay kaligii Taliye dadkiisa siyaasada kaga soo horjeesta gumaada oo Xabsiyada ku khaarajiya.

Arintan ayaa imaneysa xili xabsiyada dalka Jabuuti la sheegay in ay ku jiraan siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka dalkaas kuwaa oo siyaabo kala duwan loo xidhay.