Hargaysa(Berberanews)Ujeedada kulankooda ayaa ahaa sidii loo siin lahaa tababaro isugu jira; qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata.
Dhanka kale, intii casharadu socdeen waxa ay fursad u heleen in ay dhexdooda is bartaan sidaoo kalena ay yeeshaan xidhiidho walaalnimo oo dhaw iyaga oo u ballamay kor-u-qaadida adeega shacabka ee heer gobol iyo mid qaran-ba
-Waxaa bogaadin mudan dareenka walaalnimada iyo dalnimada huwan ee guulaysteyaashii hablaha ahaa ee Gobolka Maroodi-jeex ay u soo dhaweeyeen habilhii ka kala yimi Goboladda kale ee dalka.
-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay si gaar ah u bogaadinayaan Dallada xidhiidhka Haweenka ee NAGAAD oo taageero iyo kalgacal u muujiyey guulaysteyaashii hablaha ahaa iyo tiro badan oo kamid ah shaqaalaha haweenka ah ee Dawladda.
Jidka loogu jiro Qaran Qalinku Qiimo Leeyahay…