Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay janaasida marxuumka, ayaa ku tilmaamay Oday culus oo ka baxay qaranka Somaliland iyo bulshada gobolka Awdal.
Xubno kamida Golaha Wasiirrada, Siyaasiyiin, Ganacsato, culimo awdiin iyo dad kale oo marxuumka aqoon u lahaa ayaa taariikhdiisa, waxaanay ku tilmaameen in uu ahaa shakhsi nabadda ka shaqaynteeda iyo samo-falka caan ku ahaa, iyagoo allena uga baryey in uu jannada ka waraabiyo.