Saynisyahan ku takhasusay Nuclearka oo lagu dilay gudaha Iran

0

Iran-(Berberanews)-Saynisyahan sare oo reer Iiraan ah oo ku takhasusay nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh, oo ay reer galbeedku u magacaabeen inuu hogaaminayay barnaamijka Nukliyeerka militariga ee jamhuuriyada Islaamiga ah ilaa horaantii 2000, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow Tehran.

Fakhrizadeh waxaa toogtay “argagixisada” gaadhigiisa oo ku sugnaa Absard, oo ah xaafad ku taal bariga Tehran, markii dambena wuxuu u dhintay dhaawacyadii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran.

Maamulka maxalliga ah ayaa xaqiijiyay geerida Fakhrizadeh dhowr saacadood ka hor waxayna sidoo kale sheegeen in dhowr ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday la dilay.

Fakhrizadeh wuxuu soo noqday madaxa hay’ada cilmi baadhista iyo hal abuurka ee wasaarada difaaca waqtiga uu dhimanayay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iran ayaa ku eedeeyay dilka Mohsen Fakhrizadeh inay xambaarsan tahay “tilmaammo halis ah” doorka Israa’iil, laakiin muu faahfaahin.

Israel ayaa ka gaabsatay inay si deg deg ah uga hadasho dilka Fakhrizadeh, oo Raiisel Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu mar uu shir jaraa’id qabtay uu ku yidh: “Xusuusnow magacaas.”

Israa’iil ayaa in badan lagu tuhmay inay fulisay dilal qorshaysan oo lala beegsaday saynisyahano u dhashay Iran oo ku takhasusay Nukliyeerka ku dhowaad 10 sano.