Scott Parker Oo Kabtan U Noqon Doona England Kulanka Netherlands.

0

(Berberanews Sports):- Scott Parker ayaa kabtan u noqon doona caawa xulka England marka ay Wembley kula ciyaarayaan xulka Netherlands.

Kulankaan ayaa waxa uu  u yahay kulankii ugu horeeyay ee kabtan uu u noqdo xulkiisa isagoo kaliya u saftan doona caawa kulankiisii 11aad.

Ciyaaryahanka kooxda Spurs ayaa lagu amaanay qaab ciyaareedkiisa fiicnaa ee xilli ciyaareedkan ee kooxdiisa iyo wadankiisa, isagoo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka xulka England ee ay bixiso Vauxhall.

Dad badan ayaa sadaalinayay in Steven Gerard loo dhiibi doono kabtanimada kulanka caawa, isagoo kabtan u noqday Three Lions 15 kulan oo hore.

Si kastaba, tababaraha rasmiga ah ee loo dhiibi doono xulka England ayaa isna magacaabi doona cidii uu kabtan ka dhigan lahaa marka England ay ka qeyb galeyso Euro 2012.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports