Seddexda Qof Ee Ay Taalooyinka U Dhistay Kooxda Arsenal Oo la Shaaciyay Ka Hor Jimcaha.

0

(Berberanews Sports):- Arsenal ayaa ku dhawaaqday magacayda seddexda qof ee taalooyinka ay u dhiseen oo kala ah Thierry Henry, Tony Adams iyo Herbert Chapman oo xaflad jimcaha dhaceysa oo loogu dabaaldegayo sannadguuradii 125aad ee kooxda lagu soo bandhigi doono.

Waxaana soo bandhigistaan ay dhici doonta maalin ka hor inta aanay la kulmin kooxda Everton oo ah maalinta ay sida rasmiga ah ugu beegan tahay sannadguuradooda 125aad ee markii kooxda la aasaasay.

Henry, oo London joogi doona marka dabaaldegaasi uu dhacayo ayaa ah ciyaaryahanka rikoodh gooldhalinta kooxda haya, waxa yuu dhaliyay 226 gool 370 kulan oo uu u saftay Gunners. Waxaa waqooyiga London keenay Wenger 1999kii oo ka soo kaxeeyay Juventus ka hor inta uusan sideed sanno ka dib u dhaqaaqin Barcelona.

Dhawaan waxa uu ciyaaray koobka Emirates Cup oo uu u ciyaarayay kooxdiisa New York Red Bulls, waxaana uu tababar dhawaan la qaadanayay kooxda Gunners.

Adams waxa uu ciyaaryahan u soo ahaa Arsenal muddo 19 sanadood ah, waxaana uu kabtan u soo ahaa 14 sanadood. Waxa uu kooxda u soo saftay 669 kulan waxaana uu ku guuleystay 10 koob oo waa weyn intii uu kooxda joogay.

Chapman waxa uu ahaa tababarihii kooxda ee 1920maad iyo 30maadkii,  waxaana uu kooxda ka caawiyay inay qaadaan labo horyaal iyo FA Cup ka hor inta aanuu dhiman 1934.

Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports