Semi-finalka FA Cup: Chelsea v Man City, Leicester / Man Utd v Southampton

0

Kooxda sideed jeer ku guuleysatay koobkaan ee Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Manchester City kulanka semi-finalka FA Cup.

Leicester iyo Manchester United waxay wajihi doonaan Southampton wareega afarta hadii ay guul ka gaadhaan wareega sideed dhamaadka Axada.

Leicester iyo United ayaa barbaro 1-1 ku kala baxay markii isku aadka semi-finalka la sameeyay waqtigii nasashada ee King Power Stadium.

Semi-finalka ayaa ka dhici doona dhamaadka usbuuca 17-18 Abriil garoonka Wembley, iyadoo finalka isla goobta lagu qaban doono 15-ka May.

Finalka waxaa lagu ciyaari karaa 20,000 taageerayaal ah maxaa yeelay waxaa loo qoondeeyay mid ka mid ah dhacdooyinka tijaabada ah ee la soo jeediyay si loo tijaabiyo soo noqoshada dad badan oo ku soo biiraya goobaha UK sanadkan.