Shabakad Budhcad Soomaali ahi ka bilaabeen Nairobi oo Somaliland loo soo xawilay iyo saamayn ay ku yeelatay Bulshada

0

Somaliland-(Berberanews)-Shabakad loogu talagalay in dadka lagu dhaco oo ay niman Budhcad ah oo Soomaali u badani ka bilaabeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa saamayn ku yeelatay dadka reer Somaliland, gaar ahaan qaar ka mida daweynaha ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xubnaha abuuray Shabakadda dadka la doonayo in lagu dhaco, ayaa dad badan oo kala duwan oo ku dhaqan magaalada Hargeysa kala soo xidhiidhay Taleefannadooda gacanta, kuwaasoo inta badan u soo baaqa dad ay lambarrada Taleefannadooda ku bakhtiyaa-nasiibiyeen (Misidh soo siiya), iyaga oo qofka marka ay soo garaacaan iyagoo aan la hadal dhigaya taleefanka, si qofkaasi ugu celiyo taleefanka. Isla markaana, marka uu qofku lambarka laga soo misidh-gareeyey dib ugu celiyo ay u sheegayaan in qofkan Lambarka taleefankiisu ka mid noqday boqollaal lambar oo Safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriisku u sameeyeen bakhiyaa-nasiib lagu dhoofinayo, sidaa daraaddeedna uu guulaystay, Baasaabboor iyo Tigidh u soo baxayna ay diyaar ugu yihiin safaaradaha dalalkaas ee Nairobi, balse laga rabo lacag dhan 75$ Doollar qofku hadduu Haween yahay, halka ninkana ay ka rabaan 250$ Doollarka Maraykanka ah.

Haddaba, waxa Wargeyska Ogaal u suuragashay inuu waraysto qaar ka tirsan dadka dhacdadani ku dhacday ee ay Budhcaddu Taleefannadooda gacanta kala soo xidhiidheen. Caasha Baasarce waa Haweenay ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay dhacdada ay la kulantay uga warrantay Weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal. “Walaal waa nala soo weeraray, sababta oo ah saaka (shalay) laba jeer ayaa la isoo garaacay, markaan arkay in lambara I soo wacay dibed yahay, ayaan taleefanka lacag ku shubtay oo lambarkii la iga soo waxay baan ku celiyey, waan la hadlay, Niman Soomaali ah ayaa iga qabtay, waxay yidhaahdeen waxaannu kaala hadlaynaa Xafiis Nairobi ku yaalla, Safaaradda Ingiriiska ee Nairobi waxa kuu yaalla Tigidh iyo Baasaaboor aad leedahay.” Sidaa ayey tidhi Caasha Baasarce.

<script type=”text/javascript”><!–
google_ad_client = “ca-pub-9750519227869507”;
/* Inside post */
google_ad_slot = “9389710359”;
google_ad_width = 468;
google_ad_height = 60;
//–>
</script>
<script type=”text/javascript”
src=”http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js”>
</script>

Waxaanay Caasha oo hadalkeeda sii wadataa intaa waxay intaa ku dartay oo ay tidhi; “Markaan ku idhi oo yaa ii dhigayna? Waxay iigu jawaabeen, ‘waxaannu qaadnay 250 Lambar oo bakhtiyaa-nasiib ku soo baxay, Hargeysana meel baannu ku leenahay, waxaannu lacag kaa doonaynaa 75$ Doollar inaad soo dirtid, waxaanad ku soo hagaajinaysaa ama ku soo qoraysaa lacagtaas Cali Cumar Cabdi ayaad ku soo diraysaa lambar aan kay igala hadlayeen ahayn ayey yidhaahdeen ku soo qor Lacagta. Lacagtu waa maxay markaan idhina waxay yidhaahdeen waa lacag cashuur ah oo ay dawladda Kenya leedahay, laakiin lacag kale lagaama doonayo, markaad cashuurtaa bixiso toddobaadkanba haddaad diyaar tahay waad baxaysaa, haddii kale dib baa laguugu dhigi karaa maalmo intaad lacagta bixinaysid’ intaas baannu hadal is-weydaarsannay.”

“Ka dibna aniga oo faraxsan oo isle khayr-baa Illaahay ku siiyey ee cid ha isaga sheegin oo lacagtaas inaan diro damacsan, ayaan u sheegay Gabadhan immika ila fadhida oo la yidhaahdo Caasha Badh-Ingiriis, dabadeedna waxay igu tidhi; ‘Walaal Anigana lambarkaa muddo toddobaad ah ayaa la iga soo wacayey, laakiin marna kumaan celin, dabadeedna markaan arkay in lambarka ay ii sheegtay in laga soo wacay iyo ka aniga la iga soo wacay ee aan ku celiyey isku mid yihiin ayaan ku idhi ku celi, way ku celisay, waxa ka qabtay nimankii aniga taleefanka iga qabtay, waxay ku yidhaahdeen; ‘Waxaannu nahay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi, waxaad ka mid tahay 250 qof oo aannu Lambarradooda bakhtiyaa-nasiib ku samaynay, markaa lambarrada guulaystay ayuu lambarkaagani ku mid noqday, Baasaabboor iyo Tigidh aad Maraykanka ugu dhoofto ayaa Xafiiska Safaaradda ee Nairobi kuu yaalla, markaa waxaad soo diraysaa oo lagaa doonayaa 75$ Doollar oo Cashuurta Kenya ah.” Sidaa ayey tidhi Caasha Baasarce. “Waxa kale oo ay Inantan weydiiyeen tirada qoyskeedu ka kooban yahay, way u sheegtay, markaa waxay yidhaahdeen, ‘Waraysi baannu carruurta ka qaadaynaa waad nala soo hadlaysaa oo kolba mid baad taleefanka noogu dhiibaysaa markaad lacagtaa 75-ka ah soo dirto ka dib.” ayey Caasha sii raacisay hadalkeeda.

Waxaanay Caasha Baasarce sheegtay inay markaa ka dib shakiyeen, waxaanay tidhi; “Inanta kale ayaa igu tidhi Lacagta aynu dirno aniga oo markii horeba la diyaar ah, dabadeedna maray anigana wax ii sheegeen iyadana wax u sheegeen, waan shakinay, innoo kaadi baan ku idhi; dad badan oo kale ayaannu waraysannay oo qaar sidan oo kale loola soo xidhiidhay iyo kuwo aan warba ka haynin. Nin-baa dabadeed noo yimi oo nagu yidhi; ‘anigana niman baa lambarkaa igala soo xidhiidhay, intaa ay idiin sheegeen in le’eg bay ii sheegeen, laakiin waxay yidhaahdeen lacagta lagaa doonayaa waa 250 Doollar oo Ragga iyo Dumarku way kala cashuur qaalisan yihiin…’ markaa waxaannu u aragnay inay dadkani yihiin Budhcad Sharciyeed u diyaar-garoobay inay dadka dhacaan, waliba ay reer Somaliland dhacaan.”

Khadar Rashiid oo ka mid dadka reer Hargeysa oo isagana sidan oo kale soo wacay ayaa Ogaal uga warramay sida wax u dheceen, waxaanu yiddhi; “Lambar Nairobi ah oo dhawr jeer laga soo falaashay (misidh-gareeyey), maalin ka dib baan ku celiyey, dabadeed waxay niman Soomaaliya oo iga qabtay igu yidhaadeen; ‘Walaal annaga ayaa ku soo wacnay waxaannu joognaa Xafiiska Diyaaradda British Airways ee Nairobi, markaa Lambarro aannu Soomaaliya ka ururrinay oo Bakhtiyaa-nasiib ah ayuu lambarkaagu ku jiray, waxaanu ka mid noqday lambarrada ku guulaystay inay diyaaraddu u samaysay duullimaad bilaasha ah’.” Khadar waxa uu sheegay intaa markay is yidhaahdeen in taleefankii uu kala hadlayey lacagta ka goostay, ka dibna uu Taleefan kale ka garaacay. “Taleefan kale ayaan ka garaacay, markiiba waxay igu yidhaahdeen annaga ayaa ku soo wacnay waxaad ka mid noqotay dad lambarradoodu ku guulaysteen bakhtiyaa-nasiib ay diyaaradda British Airways ay ku bixinayso Fiisayaal iyo duullimaad bilaash ah oo aad ku tagayso dalka Ingiriiska, Fiisuhuna wuxu kuu yaallaa Xafiiska diyaaradda British Airways ee Nairobi ee diyaar ma u tahay inaannu hawshaada guda-galno, haa baan ku idhi, markaasuu haddana taleefanki iga go’ay.” Sidaa ayuu yidhi Khadar Rashiid oo arrintaa Ogaal uga warramay.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub dadka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, hase ahaatee, waa arrin heer caalami ah oo ay sameeyaan niman aan wax kale qaban oo Tuugta caalamiga ah ee dunida ka tirsan, kuwaasoo E-mail-lo ama khatka Internet-ka kala xidhiidha dadka, isla markaana u sheega in email-ka ay farriinta ku soo dirayaan ku guulaystay Fiiso, Lacag iyo waxyaabo la mid ah, sidaa daraaddeedna, looga baahan yahay qofka e-mail-kaas lehi inuu buux-buuxiyo foom ay sameeyeen, iyaga oo lambarro taleefanno lagala xidhiidho ku soo qora, ka dib markaad la xidhiidho ee aad foomka buuxa u dirtana kuu sheegaya in lagaaga baahan yahay Lacag cashuur ah, kuwaasoo waddammo Afrika ah dad badan oo ku nool Lacago xad-dhaaf ah kaga lunsaday tallaabooyinka noocaas ah.

Waxaanay arrintani farsamo ahaan la qaab tahay Mashruuc dad badan oo reer Somaliland ah Malaayiin Doollar lagaga dhacay oo la magac-baxay Jiif-oo-Jaq, kaasoo fashilmay bishii labaad ee sannadkii 2009, taasoo dad shabakad isku xidhan oo saldhiggoodu Hargeysa ahaa ku urursadeen Malaayiin Doollar oo dadka reer Somaliland lahaayeen, qofba caddad uu lahaaba, isla markaana dad ay Xukuumaddii Daahir Rayaale oo markaa talada haysay u xidh-xidhay qaarkood wali Xabsiyada ku jiraan, halka qaarkoodna Jeelasha ku dhex geeriyoodeen. Tanina taas ayey la macno noqonaysaa marka la is-bar-bardhigo oo labadooduba ku aroorayaan in dad isku xidhani ku qorshaysteen qaab ay dadka ku dhacaan.

XIGASHO: OGAAL