Shabeele: Askari lacag ku dilay wiil

0

Shabeele-(Berberanews)-Askari ka tirsan ciidammada dowladda Somalia, ayaa toogasho ku dilay wiil wade ma ahaa mooto deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Askariga iyo marxuumka ayaa la sheegay in ay ku murmeen lacag uu askarigu weydiisatay marxuumka oo ka mid ahaa dadka ku xamaasha mootada nooca loo yaqaan Fekonta  oo siweyn looga adeegsado deegaanka.

”Wuxuu weydiistay lacag uu Qaad ku iibsado, laakiin wuu ka cudurdaartay in uu siiyo, kaddibna askarigu wuxuu bilaabay in uu qasbo marxuumka taasoo is jiidjiid kaddib keentay in uu madaxa ka toogto” ayuu yidhi qof ku sugan deegaanka Golweyn oo la hadlay warbaahinta

Dhacdadan ayaa waxaa siweyn uga xumaaday dadka deegaanka oo sheegay in wax lala yaabo aheyd sababta loo dilay ninkaa dhalinyarrada ah.

Ciidamada dowladda ayaa marar badan oo hore siddan oo kale dad shacab ah ugu dilay qeybo kala duwan oo dalka kuwaa oo qaarkood loo dilay sababo aan macquul aheyn.