Shacabka Berbera oo cabasho ka muujiyay hoos u dhaca qiimaha dollarka

0

Berbera (Berberanews):- Qaar ka tirsan Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyey hoos u dhaca qiimaha sarrifka doollarka iyo qiimo-bararka muceeshadda iyo adeegyada kale oo guud ahaanba wax iska dhimay aanay jirin ee shay weliba sidii uu ahaa markii doollarku qaaliga ahaa taagan yahay.

Inta badan ganacsatada Somaliland, ayaa marka doollarku kaco qaali ka dhiga guud ahaan ascaarta ay iibiyaan, marka doollarku jabana aan waxba ka dhimin qiimihii hore ee ay wax waliba taagnaayeen, waxaanay sheegeen shacabkan cabashada muujiyey in lacagti waxay u goynaysaa jirin, maaddaama oo wax jabay aanay jirin sarrifka doollarka mooyaane.

Waxay dowladda Somaliland ugu baaqeen in wax laga qabto dhibaatada soo foodsaartay shacabka aan wax laga jebiyaa jirin wax lagu qaaliyeeyo mooyee.

Dadkaas cabashadooda iyo baaqoodaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-