Shaqaale ka hawlgala Beerta Qaranka DR Congo oo la laayay

0

Congo-(Berberanews)-Lix ka mid ah ilaalada baarkinka ayaa la dilay ka dib markii la weeraray beerta caanka ah ee Virunga National Park ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Saraakiisha ayaa ku eedeeyay weerarka koox maleeshiyo ah oo loo yaqaan Mai-Mai, oo ka mid ah kuwa badan oo ka howlgala gobolka.

Ilaalada ayaa la gaaday intii ay lug ku marayeen gudaha beerta, afhayeen ayaa u sheegay BBC.

Shaqaalaha ka shaqeeya jardiinada, oo hoy u ah gorillayaasha buuraha ee halista ku jira, ayaa inta badan la weeraraa.

Bishii Abriil ee sanadkii hore 13 ilaaliyeyaal ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay qaadeen jabhadda.

Dhowr kooxood oo hubaysan ayaa ka hawlgala gobolka bariga DR Congo oo xasillooni darro ka jirto halkaas oo Beerta Qaranka ee Virunga – oo ah goob ay ku taal Unesco World Heritage – ay ku taal.