Shaqo joojin guud oo saamaysay dalka Nigeriya iyo sababaha keenay

0

Nigeriya-(Berberanews)- Shaqo joojin guud ayaa ka jirta dalka Nigeriya, ka dib markii ay dowladdu waddankaasi joojisay Lacag ay ku kabi jirtay Shidaalka, taasoo keentay inuu laba jibbaarmo Sicirka lagu kala iibsan jiray noocyada Shidaalka.

Gaadiidka dadweynaha ayaa wada istaagay, Bangiyada, Iskuuullada iyo Xafiisyada dowladdana waa la xidhay, ka dib kolkii Shaqaalihii dowladda iyo kuwii Shirkadaha gaarka loo leeyahay-ba ay wada joojiyeen shaqada.

Badanaa dadka reer Nigeriya ayaa u arka in lacagta lagu kabo Shidaalka inay tahay faa’iidada keliya ee ay ku haystaan Shidaalka uu soo saaro waddankoodu. Laakiin, dowladda dalkaas ayaa ku doodaysa in lacagta lagu kabo Shidaalka loo baahan yahay in saboolnimada waddankaa ka jirta lagula dagaallamo.

Shir deg-deg ah oo uu Baarlamaanka Nigeriya yeeshay shalay wuxuu ugu baaqay Dowladda inay dib uga fiirsato go’aankeeda lagu joojiyey kabkii lagu dari jiray Shidaalka.

Shaqo jooojintan ayaa saamayn weyn ku yeelatay guud ahaanba habsami u socodka gaadiidka, waxa la arkayey waddooyinka magaalooyinka Nigeriya oo aan wax Baabuur ahi dhex maraynin tan iyo maalintii shaqo-joojintaasi bilaabantay bilawgii toddobaadkan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.