Sheekha City Oo 50 Milyan Euro Ku Dalbanaya Laacibka Napoli Edinson Cavani.

0

(Berberanews Sports):- Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dooneysa inay 50 milyan euro u soo bandhigto kooxda Napoli si ay u la wareegaan weeraryahankooda Edinson Cavani.

Sida laga soo xigtay Tuttosport milkiilaha kooxda Ingariiska Sheikh Mansour Zayed Al Nahyan, ayaa si aad ah u doonaya inuu laacibka reer Uruguay keeno Etihad Stadium xagaaga.

Wargeyska Talyaaniga ayaa sheeganaya in City ay diyaar u tahay inay u soo bandhigto weeraryahankaan 25 jirka ah qandaraas uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 4 ilaa 5 milyan euro.

Milkiilaha warka badan ee kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa hore u diiday dalabyo badan oo lacag kaash ah looga iibsan lahaa xiddigan reer Uruguay, lakiin waxaa laga yaabaa in tijaabo adag uu geli doono mar hadii Sheekh Mansuur uu 50 milyan u soo bandhigo.

Cavani ayaa San Paolo waxa uu kaga soo biiray Palermo 2010kii isagoo laga soo bixiyay 16 milyan euro. Waxa uu haatan u dhaliyay Napoli in ka badan 50 gool tartamada oo dhan 80 kulan oo uu u saftay.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports