Shil dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Saaxil

0

Berbera-(Berberanews)-Alla hau naxariistee laba qof ayaa ku naf waayay sagaal kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii shil ka dhacay Tuulada Kalasharka oo ka tirsan Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
shilkan ayaa ka dhashay ka dib markii uu gudoomay gaadhi ay leedahay shirkadda Isku socodka ee Safar-same oo halkaas ku qalibmay.
Maydka dadkii ku dhintay shilkaas ayaa la geeyay Cusbitaalka Berbera, iyo dadkii ku dhaawacmay oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.