Shir Madaxeedkii 18-aad ee Ururka Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa iyo Madaxweynaha loo doortay Guddoomiye

0

Addis Ababa-(Berberanews)- Shir madaxeedkii 18-aad ee ururka Midowga Afrika ayaa ka furmay galabta oo Axad ah magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo Guddoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika loo doortay Madaxweynaha Benin, Thomas Boni Yayi.

Kulankan oo ka furmay xarunta cusub ee Midowga Afrika oo ay dhistay dowladda Shiinaha ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sarreeyay ee madaxda Afrika ay yeeshaan kaddib dilkii hoggaamiyihii Liibya Mucamar Al-Qadaafi oo dhaqaale badan ku bixin jiray.

Ajandayaasha ugu waaweyn ayaa waxaa safka hore uga jiray arrinta Soomaaliya iyo howlgalka ciidamada AMISOM oo haatan ay tiradoodu tahay 10,000 oo askari, iyadoo madaxda AU-du ay sheegeen inay rajo weyn ka qabaan in ciidamadaas la gaadhsiyo 17,000 oo askari.

Qodobbada kale ee shirka lagu soo qaadayo ayaa waxaa ka mid ah xaaladaha ka taagan dalalka: Suudaan, Aljeeriya, Nayjeeriya, Maali and Muritaaniya, wuxuuna shirku socon doonaa laba casho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah madaxda ka qaybgalaya shirka ururka Midowga Afrika oo sannadkan ka duwan sannidihii hore maadaama lagu qabanayo xarunta cusub ee ururka oo ku fadhida 100-mitir oo dhul ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Benin ayaa wuxuu xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika kala wareegayaa madaxweynaha dalka Ekwatooriyaal Gini, Teodoro Obiang Nguema kaasoo xilka hayay muddo hal sano ah.

Madaxweynaha Benin, Thomas Yayi ayaa soo dhaweeyay doorashadiisa, wuxuuna ka sheegay kulanka inuu howlo badan qaban doono muddada halka sano ah, isagoo si gaar ah u taabtay dhinaca horumarka dhaqaalaha ee qaaradda…

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.