Shir Taleex ka furmi lahaa oo in lagu kala dareero qarka u saaran

1

Taleex-(Berberanews)- Shir degmada Taleex ee gobolka Sool uga furmi lahaa beelaha Dhulbahante, ayaa qarka u saaran in lagu kala dareero, ka dib markii khilaaf xooggani soo dhexgalay ergooyinka shirka ka soo qaybgalkiisa u yimi Taleex.

Shirkaas oo markii hore lagu sheegay Shir ay Beeshu kagaga tashanayso arrimeheeda dhaqan, dhaqaale iyo horumarineed, ayaa isu beddalay shir siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii ay halkaa isugu yimaaddeen Siyaasiyiin kala duwan oo ka soo horjeeda Somaliland oo uu horkacayo Cali Khaliif Galaydh oo Ra’iisal wasaare ka ahaa dawladdii Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan, Saleebaan-Xagla-toosiye oo hoggaamiye u ahaa Jabhaddii Hubaysnayd ee SSC oo sannadkii hore dagaal kula jirtay Somaliland, iyo siyaasiyiin badan oo aad uga soo horjeeda Somaliland. Goobta Shirka ayaa laga taagay Calanka Soomaaliya, isla markaana soo dhawayntii Ergooyinka shirka ka soo qaybgalaya loo samaynayey ayaa lagu qaabbilayey Fardo uu ka babbanayo Calanka Soomaaliya.

Shirka oo ay Xukuumadda Somaliland shaki weyn ka muujisay, isla markaana ay hanjabaad iyo digniin is barkan u jeedisay, ayaa dib uga dhacay wakhtigii uu furmi lahaa, ka dib markii sida la sheegay hanjabaaddaas iyo digniintaasi wax ka beddaleen Ergooyinkii shirka isugu yimi qaybo ka mid ah, oo la sheegay inay si weyn uga biyo-diideen ajandaha ay wateen Siyaasiyiinta kala duwan oo ka kala yimi Soomaaliya, dalka dibeddiisa iyo maamulka Puntland, kana soo jeeda Beelaha shirayey ee Dhulbahante.

Si kastaba ha ahaatee, xogaha laga helayo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa tibaaxaya in shirkaasi qarka u saaran yahay inuu burburo, haddii aanay siyaasiyiinta ajandaha qaldan wataa aanay ujeeddadooda ka tanaasulin ama aanay shirkaa dib uga noqonnin.

Berberanews.com

Hargeysa.Somaliland.

1 COMMENT

  1. Dawladii xooga weynayd ee maatadii GOLJANO Hargeisa xooga kaga rartay inan yar oo Jaamici ahna madaxa ka toogatay ma waxay u taagweyday cadowga Somaliland ee ku shiraya dhul Somaliland ka mid ah,Dawladii xooga kaga qaaday hablihii reer Saaxil ee Jaamacada Berbera u shaqaynayey ma waxay u taagweyday Cali Khalif iyo Xagla Toosiye oo cadowga Somaliland ah.Arinta Talex waxa ku jira dawlada xidhiidhna la leh.