Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka socda dalka Kenya

0

Hargeysa(Berberanews):- Shirguddoonka Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa kulan la qaatay Xildhibaanno ka socda dalka Kenya oo Hargeysa ku sugan. Waxaanay markii kulankoodu soo dhammaaday Xildhibaannada Reer Kenya qaarkood iyo labada Guddoomiye la hadleen Warbaahinta.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay Xildhibaannada Reer Kenya ee Booqashada ku yimi Somaliland soo dhaweeyeen, kuna faraxsan yihiin Safarkoodan iyo waxyaabaha ay labada dal is-dhaafsan karaan, iyaga oo sidoo kale, Xildhibaannada Xubno u hadlay sheegeen inay ku faraxsan yihiin Safarkooda Somaliland iyo waxa ay Dawladda iyo Shacabka Reer Somaliland qabsadeen ee nabadgelyadu ugu horreyso.

Muuqaalka Warkan iyo hadallada labada dhinac-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-