Shirkadda DALSAN Pharmaceutical oo Awooddeeda ku Muujisay bandhigga Carwada Caafimaadka ee Heer Qaran

0

 

Hargeysa (BerberaNews)- Shirkadda DALSAN Pharmaceutical oo ka mid ah Shirkadaha ugu faca-weyn dalka ee soo Dejiya Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka, ayaa maanta wacdaro ka muujisay Carwada Shirweynaha Heer Qaran ee Adeegyada Caafimaadka oo maanta laga furay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

DALSAN Pharmaceutical oo qayb laxaad leh ka qaadatay Carwada oo ay ku soo bandhigeen adeegyo Casri ah oo dhinaca caafimaadka la xidhiidha, waxa ay masuuliyiinta iyo Shaqaalaha shirkaddu bulshada ugu bushaareeyeen inay sameeyeen qiimo-dhimis Boqolkiiba 20 ah adeegyada ay bixiyaan muddada saddex cisho ee bandhigga Carwadu socoto.

Shirkadda DALSAN Pharmaceutical oo xubin ka ah Ururka ay ku midaysan yihiin Mihnadleyaasha Caafimaadka ee dalka isla markaana ka diiwaan-gashan hay’adaha Sharciga ah ee khuseeya adeeggooda, waxa Qalabka Caafimaadka ee Shirkaddu soo Dejiso oo ah kuwo Casri ah laga isticmaallaa inta badan Cusbitaalladda iyo Xarumaha kale ee bixiya adeegyada Caafimaad ee dalka, ayaa isugu jira Qalabka lagu sameeyo Shaybaadhada iyo Qalabka Caafimaad ee lagu sameeyo Qalliinka.

Guddoomiyaha Shirkadda Dalsan Pharmaceutical Aadan Maxamuud Cali oo madasha bandhigga Carwada kula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyada Caafimaad ee shirkaddoodu qabato.

“Shirkaddu waxa ay soo dejisaa Qalabka Caafimaadka iyo Daawooyinka. Qalabka Caafimadku wuxuu uu isugu jiraa Furniture-ka Cusbitaalka, hadday mid wax lagu baadho tahay iyo hadday mid wax lagu qalo tahay.

Waxa kale oo ay ka shaqaysaa daawooyinka oo ay soo dejiso daawooyin tayo-sare leh. Waxa ay ka mid tahay shirkadaha ka diiwaan-gashan ururka DAWO, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Ganacsiga iyo dhammaan hay’adaheenna sharciga ah,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Maxamuud Cali.

Guddoomiye Aadan Maxamuud waxa kale oo uu ka hadlay Kaalinta shirkaddu kaga jirto Mihnadleyaasha Caafimaadka ee dalka iyo qiimo-dhimis ay sameeyeen muddada Carwadu socoto, waxa uu yidhi, “Waxaanu ka mid nahay shirkadaha sida gaarka ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, Ka Qayb-qaata mucaawimooyinka Cusbitaallada sida ka Maskaxda iyo cusbitaallada kale oo dhan.

Waxaanu ku soo bandhignay qiimo dhimis dhan 20% oo anau ugu bushaaraynayno bulshada inta carwadu socoto Insha Allah.” Sidaas ayuu yidhi Aadan Maxamuud.

Gebo-gabadii waxa uu Guddoomiyuhu ka dareen-celiyey doorka shirkadda ee ka-qayb-qaadashada Carwada, waxaanu yidhi, “Waxaanu u mahad-naqaynaa wasaaradda oo aanu ku faraxsanahay inaanu Carwadan ku soo bandhigno adeegyadayada”.

Sida kasta ha ahaatee, Carwada Bandhigga Adeegyada ay qabtaan Mihnadleyaasha, Xarumaha iyo Shirkadahaba oo noqonaysa markii u horeysay ee lagu qabto Somaliland, waxa ay Shirkadda DALSAN Pharmaceutical ka mdi noqotay shirkadaha nasiibka u helay inay isku muujiyaan isla markaana bulshada la wadaagaan Wax-qabadkooda dhinaca adeegyada Caafimaadka ee ay bulshada u qabtaan.

BerberaNews.com
info@berberanews.com