Shirkadda Dharka ee DOOLLAR STORE iyo Wacdaraha Abaal-marinno Qaali ah oo ay Maanta Bixisay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Shirkadda DOOLLAR STORE oo soo dejisa qaybaha kala duwan ee Dharka, Kabaha iyo Cadarrada, ayaa maanta Abaal-marin Shahaadooyin-sharaf iyo Alaabooyin kale isugu jira guddoonsiisay Weriyayaasha, Farsama-yaqaannada iyo Agaasimayaasha Hay’adaha Warbaahinta ee sida tooska ah u soo tabinayey Tartanka Ciyaarihii gobollada dalka Somaliland ee bishii hore ka qabsoomay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xafladdaas ay soo qaban qaabisay Shirkada Ganacsiga ee Doollar Store oo lagu qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay Wasiirrrada Wasaaradaha Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimayaasha TV-yada Qaranka, Universal, Horn Cable, Radio Hargeysa iyo Hawl-wadeennada iyaga sida gaarka ah Abaal-marinta loo guddoonsiinayey. Mas’uuliyiinta Ururrada Saxaafadda, Weriyeyaal tiro badan iyo Marti-sharaf kale.

Mulkiilaha Shirkadda Doollar Store, Axmed Cumar Cali (Mr. Shiine), oo ugu horreyn Munaasibaddaa ka hadlay, ayaa bogaadin u diray guud Warbaahinta dalka, gaar ahaan intii suurta-gelisay tebintii tooska ahayd ee Ciyaaraha Gobollada ee sida tooska ah looga daawanayey dunida. Waxa kale oo uu hambalyeeyay Xukuumadda Somaliland oo suurta-gelisay qabashada tartanka Ciyaaraha Gobollada, ka dib markii ay muddo sannado ah hakad galeen.

“Dadka waxa fiican qabtay in la taageero way mudan tahay, sidaa awgeed ayuu Dollar Store go’aansaday inuu u mahadnaqo warbaahintii sida fiican uga shaqaysay tebintii ciyaaraha.” Sidaa ayuu yidhi Mulkiilaha Shirkadda Doollar Store. Mulkiilaha Doollar Store Mr. Shiine waxa uu shahaadooyin iyo abaalmarinno ay u sii diyaariyeen guddoonsiiyeen Radio Hargeisa, TV-ga Qaranka, TV-ga Horn Cable, TV-ga Universal, iyo Shakhsiyaad kale.

Fahiima Ciise oo ka socotay ururka saxaafada ee hablaha WIJA, ayaa sheegtay in qofka wax wanaagsan qabta lagu abaal mariyo waxa uu qabtay, Fahiima waxay aad u amaantay Sagal Mustafe Xasan Nuur oo ka tirsan Tv-ga Universal kana mid ahayd shakhsiyaadkii abaalmarinta la siiyey, Fahiima waxay tidhi “ Marka warbaahinta la xusayo waxa laga hadlaa wiilsha oo keliya waxaan madaxda bahda warbaahinta u soo jeedinayaa in hablaha la diro.”

Maxamed Rashiid Maxamed Faarax oo ah xog-haya ururka saxafiyiinta SolJA, ayaa isna yidhi “ Tartankii ciyaaraha dalkeena ee warbaahintu tebisay waxay xitaa dhiirigelisay dalalka jaarka, ciyaarihii ka socday garoonkeenii boodhka lahaa waxay ka tayo bateen ciyaaraha garoomada dooga leh.”

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Siciid Cabdi Faahiye oo isagana ka mid ahaa shakhsiyaadkii shahaadooyinka la siiyey , ayaa ugu horayn u mahadnaqay warbaahinta, waxaana uu sheegay in warbaahinta dalkeenu ka xoriyad sarayso dalal badan oo dunida ah. Siciid Cabdi Faahiye oo isagu suurta geliyey in ciyaaraha lagu qaban karo gobol kasta, waxa uu warbaahinta u soo jeediyey inay sanadka soo socdana hadii Ilaahay ka dhigo ay garab istaagan marka la qabto ciyaaraha gobolada.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade, oo gebagebadii bixiyey abaalmarinta, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay in waxyaabihii wasaaradu qabtay lagu abaalmarinayo wasaaradii. Xaabsade waxa uu yidhi “ In badan ayaanu isku canaanaynay waar dunida aynu gaadhno, waa ilaahay mahadii hadii maanta nalagu abaalmarinayo.” Waxa kale oo uu Wasiir Xaabsade yidhi; “Maanta Adduunka waxaynu u sheegi karnaa in wax kasta oo aan u deddaallo qabsan karno Innagu.”

Gabogabadiina waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Wasiiradda Ciyaaraha, Warfaafinta, Agaasimaha Horn Cable Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Agaasimaha Telefishanka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul, Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa Siciid Aadan Cige, Agaasimaha Somaliland ee Telefishanka Universal Maxamed Caabi iyo waliba Wariyeyaashii sida tooska ah u soo tabinayay Wararka ciyaaraha Goboladda Somaliland.

Shahaado sharafyaddan oo la guddoonsiiyay ku dhawaad 20 suxufi ayaa waxa ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee tiro intaas le’eg oo ka tirsan hay’addaha warbaahinta lagu maamuso. Ka dib markii ay dhamaatayna waxa ay shirkadda Dollar Store ay qof kasta oo mutaystay shahaado sharaftan la dhex joojiyay xarunta dhexe ee dollar Store halkaas oo uu qof waliba dookhiisa uu ku xulanayay Waxa uu jecel yahay.

Shirkadda Dharka iyo Kabaha soo dejisa ee DOOLLAR STOR, ayaa noqonaysa Shirkaddii ugu horreysay ee sidan oo kale abaal-marrinno qaali ah u guddoonsiisa Farsamayaqaannada, Weriyayaasha, iyo welia Agaasimayaasha Hay’adahaas Warbaahineed ee kor ku xusan, isla markaana qof kasta oo shahaado la siiyey, waxa kale oo lagu abaal-mariyey inu Dookhiisa waxa uu doonayo kaga xusho Xarunta Dharka, Kabaha iyo Agabka kale ee Cadarku ka mid yahay lagu iibiyo ee Badhtamaha Suuqa Hargeysa markii Xafladda laga soo dareeray ka dib.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.